Ku noqo   Hoyga Aqoonta >
Hoyga Barnaamijyada
> Golaha Barnaamijyada sharraxan

Golaha Barnaamijyada sharraxan Waxaad ka Helaysaa Barnaamijyo ay sharxeen Aqoonyahanada

Mowduuc xiran
 
Qalabka mowduuca Noocyada muujinta mowduuc
KAqayb Galka : ( 1 )
Sawirrada summadaysan Afrikaan
 
Afrikaan
Xubin sare

Ma joogo/joogto hadda Afrikaan

       
Nambarka Xubinka : 24
Taariikhduu xubinku is qoray golaha: Mar 2011
Wadanka :
ka qayb galka: 370
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 23
Sumcada Xubinka : Afrikaan Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka:
Fulin la'aan Sharraxa la diriraha Isbaamka

Waxaa la qoray : [ 09-02-2013 ]


Bismillaahi Raxmaani Raxiim.

A salaamu Calaykum dhammaan akhristayaasha sharafta badanow.

Sharraxa La diriraha Faylasha Isbaamka.


Sidaan ballanta u qaadayba waa kan sharrixii barnaamijka la dirira faylasha

loo yaqaan spam iyo trojan.


Ha dhayalsan barnaamijkane ku shub kumbiyuutarkaaga sababtuna markaasay kuu caddaan

oo bogag internetka ah oo badan oo aad booqan jirtay ayaad ogaan inay ku basaasi jireen.

Sida dhallinta qaarkood ii soo weydiiyeen maxaa la'iga basaasi? Maxaa la'iga heli?

Muhimmaddu maaha casharkii hore waan ku sheegay danaha lagaa leeyahay iyada oo kooban

balse hadda aynu faah-faahinno.

80 boqolkiiba dadka isbaamka ku shaqaystaa waa shaqaale danohooduna ay yihiin inay

iimeellada ugu badan helaan si'ay u adeegsadaan.

See loo adeegsanayaa iimeelkayga anaaba haysta tirada sirta ahe (Password) oo ka fura kumbiyuutarro kalee?

Isbaamku uma baahna inay iimeelkaaga hantiyaan ee waxay u baahanyihiin inay kumbiyuutarkaaga ka dhex

adeegsadaan iimeelkaaga marka ay u soo dhacaan. Taasi waxay caddaynaysaa in barnaamijka anti Virus-ku

Faayrus la diriruhu qabanayn faylashaas Isbaam sababtoo ah ma'aha Faayrus oo waa fayl lagu soo dejinayo

ama adiga oo oggol aad soo dejinayso.

Dhibaatada ay leedahay in iimeelkaaga laga dirsado kumbiyuutarkaagu waa maxay?

Shaqaalahan Isbaami waa kuwa howshoodu tahay inay maalintiiba diraan kaba soo qaad! 500 oo iimeel.

Hadduu samaysto iimeello maalin walba wakhtiga ay ka qaadanayso ma taqaan ama siduu u heli lahaa

dadkii uu u diri lahaa cinwaankooda..

Marka waxay samaystaan bogag internet oo marka aad booqato fayl si lama filaana u soo degaya oo markaad

iimeelkaaga furto u gudbinaya inta qof kuugu jirta.


Faylkaasi wuxuu u howl fududaynayaa maadaama aad bogga wax ka rabtay inuu mid kale ku sii dejiyo kumbiyuutarkaaga

mar kale kaasoo muhimmaddiisu tahay inuu diro iimeello markaad furtidba.

Aan kuu fududeeyo akhriste:: Weli ma ka heshay saaxiibkaa oo aad aqoon u leedahay iimeel ku qoran xataa af aadan

aqoon iyo midaad taqaan? Saaxiibkaa waxaad uga baraty Af Soomaali inuu kuu soo qoro markanse waxaa kaaga yimid

iimeello qoraal baas wata.

Isbaamku muhimmaddoodu waa inay diraan dhowr kun oo iimeel maalintii oo ay lacag ku qaataan.

Dhibta kaaga imaanaysa haddaba waa shirkadaha Hotmail,Gmail,iyo Yahoo oo kaa joojiya iimeelka.

Gaar ahaan dadka Hotmail-ka adeegsada ayaa u badan joojinta iimeelkaas.


Sida ugu fudud ee aad isu ilaalin kartid waa inaad taqaan oo qof walbaa sir buu leeyahaye ilaasho taada.


Haddaba sharraxa barnaamijkan aan u gudubno wixii faah-faahinana fadlan ama jawaab ama facebook noogu soo dir

qoraalkan hoostiisa ka muuqanaya si'aannu kaaga gacan qabanno.Mahadsanid kuna soo dhowow Sharraxa barnaamijkan.

Intaynaan u guda gelin casharkan adiga oo akhriste iga raalli ah Markaad soo dejinayso barnaamijkan fadlan Antivirus-ka jooji

Haddii aadan lahayna halkan kala deg mid bilaash ah.

http://www.barnaamij.com/vb/showthread.php?t=480


Raalli iga ahow: Haddii aad u baahantahay sida kumbiyuutarka looga adkaado inaad barato dabinkan raac oo u soo noqnoqo mar walba oo aad timaaddo Hoyga Aqoonta.


http://www.barnaamij.com/vb/forumdisplay.php?f=7




Horta marka hore barnaamijka halkan kala soo dag.


http://www.barnaamij.com/vb/showthread.php?t=487


Isaga iyo karaaggaba meel isugu gee sida Miiska korkiisa (Desktop) inta gal (Folder) u samaysid:


Ma dhammaysay bismillaah.


Fur galka waana inay sidan kuugu muuqdaan.






Kan ay ku qorantahay (La diriraha Faylasha) Midigta ku riix oo ku burburi meeshan lana soco sawirka.





Markuu dhammeeyo sidan ayuu kuugu muuqan.oo aan ku qoray 1 iyo 2.





Haddaba aynu ku shubno kumbiyuutarka barnaamijkan.

Labo goor riix kan (mbam-setup-1.70.0.1100)





la soco haddaba sawirradan.




























Hadda waynu deminney marka intaynaan barnaamijka adeegsan waa inaynu kululaynaa ama (Active) ka dhignaa si'uu bilaash inoogu ahaado.

Marka hore ku noqo galkii aynu kuwada shubnay ee aynu kor ku xusnay.Toosna waxaynu u labo goor garaacaynaa (Keygen).





Shaashaddan baa kuu soo baxaysa madow markaad intaa maraysid fadlan ka bax internetka si'aynu u shidno barnaamijka

weliba adiga oo akhrisanaya casharkan.

Markaas shaashaddan baa kuu muuqan ka dooro (Protection) si'aad u aragtid khaanad kale oo tiro la gelinayo.






Tan baa kuu muuqan labada khaanadood leh (Nuqul) Copy ku soo samee tirada shaashaddii (Keygen) oo tan hore soo guuri gelina

(Enter Your Product ID Below) Sidoo kalena tirada hoose soo guuri oo iyana geli (Enter your product Key Below)





Haddii aad fahmi weydo sawirkan eeg










Barnaamijka iyo Karaaggiisaba halkan kala dag.

http://www.barnaamij.com/vb/showthread.php?t=487


Ugu danbayn waxaan u mahad naqayaa dhammaan Xubnaha maareeyayaasha,Kormeerayaasha iyo Booqdayaashaba.Wixii aan khaldo ha la'iska cafiyo

sixistuna furan ra'yi ku darsashaduna furan. Wixii aad ka fahmi weydo waan kaa gacan qabane facebook ku soo dir ugu yaraan.Salaamu Calaykum.
Mowduucyo dheeraad ah

 

Mowduucii hore : Sharraxa la diriraha Isbaamka     -||-     Ka soo jeeda:     -||-     Qoraaga: Afrikaan

Horumarkaynu waa adoo ra'yigaaga feesbuuk noogu sheega


Saxiixa : Afrikaan

Ilaahay Ha barakeeyo Afrika

 
 Kaqayb Galka : ( 2 )
Amiin
Sawirrada summadaysan Amiin
Nambarka Xubinka : 190
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Jul 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 300
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 23
Sumcada Xubinka : Amiin Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Amiin

   

Fulin la'aan Jawaabta: Sharraxa la diriraha Isbaamka

Waxaa la qoray : [ 13-02-2013 ]


Runtiina haddaan ka hadalno waxaan u arkaa barnaamijkaani inuu yahay kan ugu qiimaha badan barnaamijyada la'adeegsado oo bogag badan sidaad sheegtaye aan booqan jiray baa igu noqday kuwa uu ii diiday. Mahadsanid Afrikaan

 
 Kaqayb Galka : ( 3 )
Soomaali
Xubin Fir-Fircoon
Nambarka Xubinka : 249
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Sep 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 126
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 13
Sumcada Xubinka : Soomaali Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Soomaali

   

Fulin la'aan Jawaabta: Sharraxa la diriraha Isbaamka

Waxaa la qoray : [ 29-05-2013 ]


Aad iyo aad baan kaaga mahadcelinayaa barnaamijkan heerka sare ah allaha kaa abaal mariyo


Saxiixa : Soomaali

Somaalaay qarnigeennan
Qudha aan is jarayno
Qaarba qaarka xasuuqi
Qabiil la'isugu faani
Qarankii ka gadoodnay
Quraankii dafirayno
Qarribnoo dhaqankeenni
Qummanaantaba diidney
Haddii aynan qabsoomin
Qaaddirkeenna u laaban
Qolyahaas la halaagay
Qiyaas soow kama raacno?

Abwaan Cabdi Rabbi: Gabayaaga Qarnigan

Mowduuc xiran

Kilmadaha la'isla ogyahay (Tags)
ballanta, barnaamijka, barnaamijkane, darsashaduna, dhayalsan, dirira, faylasha, ha, iyo, kan, khaanadood, ku, kumbiyuutarkaaga, la, labada, loo, muuqan, qaadayba, sharrixii, shub, sidaan, spam, trojan, waa, yaqaan
Qalabka mowduuca
Noocyada muujinta mowduuc

Talooyinka ka qayb qaadashada
Ma hal abuuri kartid Mowduuc cusub.
Waad ka jawaabi kartaa Mowduucyada
Ma raacin kartid faylkan lammaane
Ma'awooddi inaad ka qayb galkaagii wax ka beddesho

BB code is waa la heli karaa
Ilka caddaymaha waa la heli karaa
Kowdka [IMG] waa la heli karaa
Kowd-ka HTML Taagan

Ka gudbid dhakhso ah.

Mowduucyada isu eg
Mowduuc Qoraaga mowduucan Golaha Ka qayb-gallo Ka qaybgalkii u danbeeyey
La diriraha faylasha la'isku basaaso. Afrikaan Golaha Barnaamijyada 2 03-02-2013 12:11 AM
Sidee la'isaga ilaaliyaa warqadaha Isbaamka! Halyeyga Afrika Kumbiyuutarka & Internet-ka 6 03-06-2012 12:34 AM

Faallada Feesbuuk oo uu tarjumay - Hoyga Aqoonta

Saacaddu hadda waa 06:16 PM.


Powered by vBulletin® Copyright ©2000 - 2017, Jelsoft Enterprises Ltd. Waxaa tarjumay Faysal.Saacid.Shire
Qoraalka qofka soo bandhigay ayaa ka mas'uul ah, ee goluhu shaqo kuma leh. Xuquuqda waxaa iska leh Hoyga Aqoonta Barnaamijcom