Ku noqo   Hoyga Aqoonta >
Hoyga Murtida
> Sheekooyinka

Sheekooyinka Waxaad ku soo bandhigi kartaan sheekooyinka noocyadeeda kala duwan.

Jawaab naq
 
Qalabka mowduuca Noocyada muujinta mowduuc
KAqayb Galka : ( 1 )
 
Sheekoole

Ma joogo/joogto hadda Sheekoole

       
Nambarka Xubinka : 881
Taariikhduu xubinku is qoray golaha: May 2012
Wadanka :
ka qayb galka: 45
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 20
Sumcada Xubinka : Sheekoole Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka:
Qiimo Badan bakhayl haw martiyin

Waxaa la qoray : [ 02-09-2015 ]


Asalaamu Caleykum

wakhti dheer waan maqnaaye iga gudooma sheekadaan.

Intaanan bilaabin sheekada asxaabey hadey idin cajabiso

jawaabaha yaan layga hilmaamin.


Nin baa marti ku noqday saaxiibkiis oo gacan adag yacni

bakhayla. Markuu soo dhaweeyey ayuu wiilkiisii u wacay oo

ku yiri aabe saaxiib qaaliya ayaa ii yimid ee tag oo kiilo '

hiliba soo gad ahna kiilada ugu wanaagsan.

Markuu muddo maqnaa buu soo noqday isagoon waxba wadin.

Odaygii oo ay ku kacsantahay baa weydiiyey mee hilibkii aan kuu

diray.

Markaasuu ugu jawaabay aabbe aniga markaan u tegey

hiliblihii baan weydiiyey inuu i siiyo hilibka kan ugu

wanaagsan markaasuu igu yiri waxaan ku siinayaa mid subag ah.

markaasaan is iri maadaama uu

i siinayo subag maan dukaankaba ka gato oon dukaankii

aaday markaasaan ku iri i sii subagga kan u wanaagsan.

Markaasuu yiri subag sida malabka oo kale ah baan ku siin

markaasaan fakaray maadaama uu ku siinayo malab maad malablaha

ka doonatid malabka. Markaan u imid malablihii baan iri

i sii malabka kan u fiican markaasuu igu yiri malab waxaan

ku siinayaa sida biyaha xareedda oo kale ah markaasaan

is iri biyaha gurigaba waa xareedoo kalee maxaad u gadanaysaa.

Marka taasaa isoo celisay aabbe.

aabihii oo garka gacanta ku salaaxayaa yiri wiil heer saraa

baad tahay ee midbaa ku dhaaftay oo kabahaad ku socotay maanta

dhan waad baabbi isay si aad dukaan ilaa dukaan u galaysay

wiilkii baa yiri isagoo ilka cadayna maahayn kabahaygii

kuwaan gashanaa ee waxay ahaayeen kuwii ninka martida kuu ah.

Bakhayl waa bakhayl. inshaa alaah aad ka heshay.

Mowduucyo dheeraad ah

 

Mowduucii hore : bakhayl haw martiyin     -||-     Ka soo jeeda:     -||-     Qoraaga: Sheekoole

Horumarkaynu waa adoo ra'yigaaga feesbuuk noogu sheega


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 2 )
Halyeyga Afrika
Sawirrada summadaysan Halyeyga Afrika
Nambarka Xubinka : 2
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Feb 2011
Wadanka : Qaaradda Afrika
ka qayb galka : 439
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 16
Sumcada Xubinka : Halyeyga Afrika Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Halyeyga Afrika

   

Mawduu Xiiso Leh Jawaabta: bakhayl haw martiyin

Waxaa la qoray : [ 02-09-2015 ]


Bakhiil waa bakhiil iyo wiil ka sii bakhiilsan kkkkkk kabaha xataa ma rabaan inay ka dhammaadaan. Mahadsanid Sheekoole

Saxiixa : Halyeyga Afrika

Aqoon la'aani waa iftiin la'aane





Ogaada Ogaada walaalayaal Ogaada.


ALLAHA U NAXARIISTO INTA CILMIGA CISEYSA

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 3 )
EnG YaSiN
Sawirrada summadaysan EnG YaSiN
Nambarka Xubinka : 985
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Nov 2013
Wadanka :
ka qayb galka : 48
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 20
Sumcada Xubinka : EnG YaSiN Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda EnG YaSiN

   

Fulin la'aan Jawaabta: bakhayl haw martiyin

Waxaa la qoray : [ 05-09-2015 ]


sheekoolw mahadsanid saaxiib runtii waa shaako aad ucajiiba "Bakhayl waa bakhayl"


Saxiixa : EnG YaSiN

ignorance is a darkness

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 4 )
samiira
Xubin Fir-Fircoon
Sawirrada summadaysan samiira
Nambarka Xubinka : 9
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Feb 2011
Wadanka : Lagama maarmaanku waa dalka Hooyo
ka qayb galka : 160
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 20
Sumcada Xubinka : samiira Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda samiira

   

Fulin la'aan Jawaabta: bakhayl haw martiyin

Waxaa la qoray : [ 05-09-2015 ]


Horta ka ra'yi ahaan sheekadu waa sheeko heer sare ah si fiicanna loo qoray.
Laakiin qoraalkaad xoogaa qaladaad ku jiraa ee kala googoo erayada markaad qoraysid Sheekoole. Waanan kaaga mahadcelinayaa sheekadan qaaliga ah. Mahadsanid


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 5 )
Soomaali
Xubin Fir-Fircoon
Nambarka Xubinka : 249
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Sep 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 126
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 13
Sumcada Xubinka : Soomaali Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Soomaali

   

Fulin la'aan Jawaabta: bakhayl haw martiyin

Waxaa la qoray : [ 05-09-2015 ]


Waahwaah waan ka helay sheekadan cajiibka waana ku mahadsantahay


Saxiixa : Soomaali

Somaalaay qarnigeennan
Qudha aan is jarayno
Qaarba qaarka xasuuqi
Qabiil la'isugu faani
Qarankii ka gadoodnay
Quraankii dafirayno
Qarribnoo dhaqankeenni
Qummanaantaba diidney
Haddii aynan qabsoomin
Qaaddirkeenna u laaban
Qolyahaas la halaagay
Qiyaas soow kama raacno?

Abwaan Cabdi Rabbi: Gabayaaga Qarnigan

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 6 )
Ma qorna
Booqde
Nambarka Xubinka :
Taariikhduu xubinku is qoray golaha :
Wadanka :
ka qayb galka : n/a
Isku cel-celinta qiimaynta heereed :
Sumcada Xubinka :
Xiriirka :

   

Fulin la'aan Jawaabta: bakhayl haw martiyin

Waxaa la qoray : [ 15-06-2016 ]


allaylehe sheekadan si wanaagsan baan uladhacay.kkkkkkk


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
Jawaab naq

Kilmadaha la'isla ogyahay (Tags)
aabe, adag, ahna, bakhayla, dhaweeyey, dheer, gacan, gad, hiliba, kiilada, kiilo, maqnaaye, muddo, noqday, qaaliya, saaxiib, saaxiibkiis, tag, waan, wacay, wakhti, wanaagsan, wiilkiisii, yacni, yimid

Qalabka mowduuca
Noocyada muujinta mowduuc

Talooyinka ka qayb qaadashada
Ma hal abuuri kartid Mowduuc cusub.
Waad ka jawaabi kartaa Mowduucyada
Ma raacin kartid faylkan lammaane
Ma'awooddi inaad ka qayb galkaagii wax ka beddesho

BB code is waa la heli karaa
Ilka caddaymaha waa la heli karaa
Kowdka [IMG] waa la heli karaa
Kowd-ka HTML Taagan

Ka gudbid dhakhso ah.

Mowduucyada isu eg
Mowduuc Qoraaga mowduucan Golaha Ka qayb-gallo Ka qaybgalkii u danbeeyey
Bakhayl.com Hassan hashi Sheekooyinka 10 02-11-2011 07:12 AM

Faallada Feesbuuk oo uu tarjumay - Hoyga Aqoonta

Saacaddu hadda waa 04:45 PM.


Powered by vBulletin® Copyright ©2000 - 2017, Jelsoft Enterprises Ltd. Waxaa tarjumay Faysal.Saacid.Shire
Qoraalka qofka soo bandhigay ayaa ka mas'uul ah, ee goluhu shaqo kuma leh. Xuquuqda waxaa iska leh Hoyga Aqoonta Barnaamijcom