Ku noqo   Hoyga Aqoonta >
Hoyga Murtida
> Sheekooyinka

Sheekooyinka Waxaad ku soo bandhigi kartaan sheekooyinka noocyadeeda kala duwan.

Jawaab naq
 
Qalabka mowduuca Noocyada muujinta mowduuc
KAqayb Galka : ( 1 )
 
Sheekoole

Ma joogo/joogto hadda Sheekoole

       
Nambarka Xubinka : 881
Taariikhduu xubinku is qoray golaha: May 2012
Wadanka :
ka qayb galka: 45
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 20
Sumcada Xubinka : Sheekoole Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka:
Fulin la'aan Damac damac damac

Waxaa la qoray : [ 13-02-2017 ]


Asxaabta qaaliga ah waxaan idinku salaamayaa salaanteenna qaaligaa ee A salaamu calaykum..

Sheekaan idiin wadaa maanta oo aan rajaynayo inaad iga hanan doontaan faahfaahina iga siin doontaan. Ku soo dhawaada.

Damac Damac Damac


Nin baa dameerkiisii afka ugaga soo guray sunuud dahab ah.

Markaas ayuu suuqa keenay, dameerkiibaa qaylo ku dhuftay markaas ayaa dahabkii

soo daatay sunuudda ahaa.


Afkaa gacanta la wada saaray, argaggax iyo la yaab hor leh.

Kuwa lacag ley ah ayaa u bandhigay inay ka'iibsadaan weliba qiimahiina kor la'isugu qaaday.

Mid baa ku guulaystay qandaraaskii oo xariggii ku dhagay oo ka xasytay isna lacagtii xoogga badnayd walwaashay.

Markuu gurigii geeyey dameerkii ayuu qaylo ku dhuftay balse, dahab ma jiro oo mar keliyay ka ahayd waa siduu is yiriye.

Tujaartii iyo maal qabeennadii saaxiibbadiis ahaa buu u bandhigay ee magaalada la degganayd arrintana wax ka ogaa.

Markaasay isku raaceen inuu yahay ninku dhacaa oo uu rabay inuu maal qabeennada dhaco.

Waxay talo ku goosteen inay u tagaan lacagtiina ka soo ceshadaan waxayna u go'aamiyeen rag iyaga ka mid ah inay aadaan lana soo xaajoodaan. Markaasaa gurigiisii loo soo hayaamay illayn nin wax dhacay waa ogyahaye in la soo aadayee gurigii ka tegey. Markii guriga la soo garaacay albaabkiisii ayaa xaaskiisii ka furtay albaabka.
- Soo dhowaada. Ayay uga bilowday hadal.
- Ninkaagii mee? Ayaa ahayd su'aashii xigtay.
- Waa uu maqanyahay hadda ee suga waxna cabba, eygan baan u diri oo keeniye.
Ey meesha ugu xirnaa bay oodda ka qaadday cagahana wax ka dayey.
xoogaa ka dib ayuu yimid isagoo ey u'eg xarig ku jiidaya.
- Maashaa'allaah eygu ciddii loo diro ma keenayaa?
ayay ahayd su'aashii ugu horreysay ee afkooda ka soo yeerta maal-qabeennadii.

- Meeqaad ku rabtaa eygan?
Oo markiiba gorgortan bay u galeen beeca eyga iyaga oo illoobay arrintay u yimaadeen markii hore.

Mid baa ku guulaystay beecii eyga, markuu gurigiisii geeyeyna oodduu ka qaaday mana soo noqon.


Taajirkii baa u bandhigay kuwii kale, waxaana la goostay in mar kale gurigiisa lagu booqdo.
Garaacii albaabka ka dib ayay ka furtay albaabkii oo soo dhowaysay. Markay weydiiyeen ninkeedii inuu joogo
iyo in kale waxay ugu jawaab celisay.
- Wuu soo dhowyahaye fariista oo halkan ku suga wakhtiguu imaan lahaa baa la joogaaye!
Xoogaa markay fadhiyeen ayuu gurigii soo galay oo uu u salaamay sida nimaan waxba bi'in.
Horayna ka weydiiyey xaaskiisii inay soo dhowaysay oo cabbitaan iyo siisay iyo wax ay ku sugaan illayn waa martiye.
Waxay ugu jawaabtay inaysan waxba weli siin isaga oo hor taagan raggii ayuu toorray markii meel lagu riixo isku aruuraysa sida, kuwa aflaanta ama indha sarcaadku adeegsadaan inta iska soo jaray ka geliyey caloosha isaga oo muujinaya xanaaq. Iyaduna kiish wax dhiig u'eg ay ku jiraan ayay hoosta ku wadatay. Maray dhiiggii arkeen tujaartii ayay yiraahdeen.
- Ilaahay ka baq ma cabbitaan ay na siin weydey baad u dishay xaaskaagii?
Inta toorraydii xaraystay jeebka hoosana kala soo baxay foori (Siiri\Firinbi) (qalabka la afuufo) buu ku yiri.


Tan markaan u tumo ayay ka caysaa wax weyn ma'aha, tanaana ruuxii ku soo celinaysa.
Markuu labo goor afuufay bay is taagtay oo howsheedii guriga u dhaqaaqday.
Tujaartii iyo beec kale Siiri/Firinbi-gii ruuxa soo celinaysay ayay gorgortan cusub u galeen . Mid baa ku guulaystay balse wuxuu ka ballan qaaday inay tijaabiyaan oo dumarkooda ku tijaabiyaan.
Markay dumarkii iska dhammeeyeen illeen ruux baxay ma soo noqdee ayay isku raaceen inay isaga dhanba is dhaafiyaan oo dilaan si magaaladu uga nasato dhaca iyo boobka uu ku wado.

Go'aankaa noqday in inta jawaan lagu xiro lagu rido badda oo xoogaa u jirtay magaaladaas.

Inta af duubeen bay ku riteen siday ku heshiiyeen jawaan oo qaadeen lana lugeeyeen.

Markay qaadaa dhigeen, oo qaadaa dhigeen ayay daaleen bay yiraahdeen “daalnaye xoogaa aan nasanno” .

Nasashadii baa la tagtay oo is kala bixiyeen gam'eenna. Meeshii isaga oo rafanaya illeyn waa nin la siday maantoo dhane ayaa nin ari raac ahi arkay waxa ka dhex galgalanaya jawaanka.

Jawaankii buu ku furay afka mise nin baa ku dhex jira. Waraysi gaaban oo codka loo gaabshaa la galay.

-Maxaa jawaanka ku dhex dhigay? Ari jirkii.

- Dadkaa meeshan hurda ma'aragtaa? Waxay rabaan inay igu daraan gabadha uu dhalay ninka ugu qanisan magaalada anna waxaan jeclahay ina

adeertay oo aan u dhintaa. Ayuu ugu jawaabay Dhacaagii.

- Haddaan ku beddelo ka warran? Ari jirkii.

- Nasiib fiican bad leedahaye ka faa'iidayso. Dhacihii.


Arigii buu meeshii ka kaxaystay, ari jirkiina lagu tuuray baddii.

Markay magaaladii ku soo noqdeen bay arkeen ninkii oo magaalada dhex mushaaxaya.

- War yaa kaa soo saaray baddii? Tujaartii

- Markaad badda igu riddeen ayaa gebeirmaanyo




igula kulantay oo igu tiri xoogaagan dahabka ah qaado oo waxaad doonto ku gado

marka, arigaas baan ku gatay. Waxay se ii raacisay geberimaanyadii, nasiib xumadaada haddii badda xoogaa gudeheeda lagugu sii tuuri lahaa walaashay baa joogta

halkaas igana hanti badan, oo dahab badan ayay ku siin lahayd.

Markay hadalkii maqleen bay isku shubeen baddii illaa ay tageen meelaan ka soo noqod lahay oo ku le'deen.

Isagii baana magaaladii u haray uguna lacag badnaaday.
Dhammaad.
Mowduucyo dheeraad ah

 

Mowduucii hore : Damac damac damac     -||-     Ka soo jeeda:     -||-     Qoraaga: Sheekoole

Horumarkaynu waa adoo ra'yigaaga feesbuuk noogu sheega


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 2 )
Sheekoole
Nambarka Xubinka : 881
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : May 2012
Wadanka :
ka qayb galka : 45
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 20
Sumcada Xubinka : Sheekoole Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Sheekoole

   

Fulin la'aan Jawaabta: Damac damac damac

Waxaa la qoray : [ 20-07-2017 ]


Wax jawaab ku darsadana ma la waayey waa yaabe, oo sheekadan ka helay


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
Jawaab naq

Kilmadaha la'isla ogyahay (Tags)
afka, dahab, damac, dameerkiisii, keenay, nin, sunuud, suuqa, ugaga

Qalabka mowduuca
Noocyada muujinta mowduuc

Talooyinka ka qayb qaadashada
Ma hal abuuri kartid Mowduuc cusub.
Waad ka jawaabi kartaa Mowduucyada
Ma raacin kartid faylkan lammaane
Ma'awooddi inaad ka qayb galkaagii wax ka beddesho

BB code is waa la heli karaa
Ilka caddaymaha waa la heli karaa
Kowdka [IMG] waa la heli karaa
Kowd-ka HTML Taagan

Ka gudbid dhakhso ah.

Faallada Feesbuuk oo uu tarjumay - Hoyga Aqoonta

Saacaddu hadda waa 11:47 PM.


Powered by vBulletin® Copyright ©2000 - 2017, Jelsoft Enterprises Ltd. Waxaa tarjumay Faysal.Saacid.Shire
Qoraalka qofka soo bandhigay ayaa ka mas'uul ah, ee goluhu shaqo kuma leh. Xuquuqda waxaa iska leh Hoyga Aqoonta Barnaamijcom