Ku noqo   Hoyga Aqoonta >
Rukunka Diinta
> Aqoonta Diinta

Aqoonta Diinta Waa rukun lagu bandhigayo Aqoonta culimadeennu ay leeyihiin.

Jawaab naq
 
Qalabka mowduuca Qiimayn: Mowduucan qiimee: 4 Codayn,barbardhig 4.75. Noocyada muujinta mowduuc
KAqayb Galka : ( 1 )
Sawirrada summadaysan Abdurahman Mohamed
 
Abdurahman Mohamed

Ma joogo/joogto hadda Abdurahman Mohamed

       
Nambarka Xubinka : 968
Taariikhduu xubinku is qoray golaha: Jun 2013
Wadanka : Dulkayga hoyo
ka qayb galka: 37
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 10
Sumcada Xubinka : Abdurahman Mohamed Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka:
Warqad Sideen Qur,aanka u xafidaa ?

Waxaa la qoray : [ 05-07-2013 ]


Ilaahay ayaa mahad oodhan leh Ilaaha sharafteena iyo farxaddeena iyo guusheennaba galiyay Qur’aanka xifdiggiisa iyo akhrintiisa. abaal iyo deeqna inagu siiyay. waa hadalkiisii iyo

xikimaddiisii. waa dastuurkeenii ay naxariisteennu ku jirtay. waa xasilooni uu allaah quluubteena iyo jidhkeena dhigay si’aan xaqa iyo toosnaanta. caddaaladda iyo kala dambaynta uga soo dheeganno .

Qofka muslinka ah qiimo male Qur’aanka la’aantii .Qur’aanku waa iftiinka nolosha waa sahayda rasmiga ah ee nafteenna. Waa kuu-doode ammaa kugu doodde waa ku dalacsiiye ammaa ku daaddejiye. waa ku qurxiye quluubteena iyo jidhkeenaba ..

Waa sharafta iyo maamuusta martabadda iyo maqaamka qofkastoo ka raadiya oo ku dhaqma waa badbaadiyiisa quraanku . runtii waa midigta maalinta qiyaamaha kuu noqon-kara maragga koowaad.

Qur’aanka sharaftaa leh ee Ilaahay inagu macsuumay ayaan jeclaaday bal inaan wax ka iftiimiyo habka amma qaabka loo xafiddi karo. ma odhanayo waa qoraal dabooli kara baahida jirta .kaliya waa tilmaan aan mooday talo Ilaahay ha inagu taree .

Kaliya waa tusaaleyaal ama fursad uma helin aan waxyaaba farabbadan oo innawada anfici-lahaa aan ku soo gudbiyo.

Qoraalkan maaha mid maskaxdayda iyo maankayga kasoo maaxday ee waa mid aan kasoo dheegtay qoraa ka talo bixiyay ana aan ku daray wax badan tallaabooyinka lagu xafiddo kitaabka Alle .

Wax yaabaha igu kalifay qoraalka waxaa kamid ah .. dadkeena oo ah dad qur,aanka aad ujecel waxaanad taas ka garan kartaa waalidada soomaaliyeed inta u badan marka aad waydiiso barasha qur,aanka ilmahooga kuma koobna uun kitaab ka akhris ee waa xifdi iyo kor ka daldalid waxaabad moodaa in uu waalidkasta rabo inuu ilmihiisu noqdo mid kitaabka alle barta xifdiya ama qaari noqda.

Waa hammi fiican iyo waanay ku amaananyiin allena hakaa abaal mariyo inkastoo ay aad u yaryihiin waalidada ku daba gala ama ku ilaaliya ubadkooda barashada quraanka ama kaga war haya macalinka u dhiga quraanku inuu sidii ugu fiican jaanis u siiyo ilmaha uu quraanka ku barto . waxaasoo dhan waa uun ilmuhu qur,aanka ha xifdiyo ..

Waxa kale oo igu kallifay markii aan arkay dhallinyara badan oo rag iyo dumarba leh oo iskood isku xilqaamay oo u heelan xifdiga qur,aanka ayaan is idhi bal luuqadood ugu qor wixii aad ku caawin karto

Waxaad ubaahan tahay marka aaad rabto inaad quraanka xifdido waxyaabahan aan hoos ku tixi doono waxan rajayanayaa haddii aad soo marto jidkaana inaad ku guulaysan karto qur,aankana aad ku xifdidid waqti kooban

1-Badhaxtir (Alle dartii inaad u samayso qofka aan ilaahay u’aqoonsan kalinimadiisa iyo waynidiisa ee aan camalkiisa ubadhaxtirin dadaalkiisu waa hal bacaad lagu lisay korna looma qaaddo oo Ilaahayna ma aqbalo….

Ilaahay daraaddii inaad ubarato qur’aankiisa

Allaah oo aad dartii u samayso camalkasta(falkasta)waa miftaaxa adduunka iyo aakhirada .camalkasta waxaa loo shardiyeeyaa sadex shardi.

1. Ikhlaas
2.Inaad waxkasta oo aad ku dhaqmayso ka qaadato kitaabka alle iyo sunada rasuulka s.c.w .
3.In waxaad cunayso ama cabaysaa uu noqdo xalaal .{ INALLAAHA TACALLAA DAYIB LAAYAQBALU ILAA DAYIBAA }

Niyadda oo aad wanaajiso waxay sabab utahay qur’aanka Alle inaad barato ilaahayna (swt) qof aan niyad saafiya uhayn kitaabkiisa kuma deeqo jacaylkiisana ma dhaxalsiiyo……….

Asaxaabigii waynaa Allaha raali ka noqdee Cabdillaahi ibnu Cabbaas ayaa wuxuu yidhi ”’ qof waliba inta ay niyaddiisu tahay ayuu xafiddaa ”

Qofka raba inuu camalkiisu dhammaystirmo hawanaajiyo niyaddiisa”’

Haddaba hadii aanad hore uga faa’iidaysan ama aanad baran maantaba aan isdaba qabanno aan kabbilawno daqiiqaddan aan ku guda jirno… niyayso akhrintaada qoraalkan inay tahay mid aad ku rabto xafididda kitaabkiisa..alle dartii niyayso inaad tahay qof sita niyad caafimaad qabta oo allaah taqaan aqoonsanna kalinimaddiisa rabtana inay kitaabka alle xambaarto ….

Niyayso qur’aanka aad akhrinayso inuu yahay mid aad raali ahaanshihiisa ku rabto niyayso inuu Ilaahay kugu jeclaanayo akhrinta badhaxa tir

Walalkayga ama walaashayda muslimka ahow qur’aanka Alle oo aad xafiddo waa kuu waxkaste oo sharafa niyaysana taajka karaamadda inuu rabbi kugu sooryayo adduunkan iyo aakhriraba niyayso inuu ilaahay kugu siindoono darajooyin sare……………

Niyayso inuu camalkaagu noqdo mid la aqbalo alle dartiina u qabanayso talaabada xifdinta quraanka qaad adigoo alle talo saarnaya kadibna xifdi si tartiiba .

Niyayso usamee waxkasta oo aad qabanayso Alle dartii Ilaahayna waxan kuubaryayaa inuu inoo sahlo barashada kitaabkiisa iyo xifdigiisaba……..

Waxaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha looga fadhiyo(looga baahanyahay)qofka xafidaya qur’aanka

2-akhlaaqda wanaagsan

Dabeecad wanaagu iyo dhaqanka quruxda badan waxay asaas uyihiin nolosha aadamaha iyo horumarkiisa. Kibrika iyo Dulmiguna aafada ayay horsed u yihiin qalbiga..

HADABA WAXAA MUHIIMA IN BARASHADA QURAANKU WAX BADAN KA BADESHO NOLOSHAADA
Mowduucyo dheeraad ah

 

Mowduucii hore : Sideen Qur,aanka u xafidaa ?     -||-     Ka soo jeeda:     -||-     Qoraaga: Abdurahman Mohamed

Horumarkaynu waa adoo ra'yigaaga feesbuuk noogu sheega


Saxiixa : Abdurahman Mohamed

Waxaan Allah Ka Baryaa in Uu Nafahnsiiyo Sida Dacwadda Loo Guto

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 2 )
Afrikaan
Xubin sare
Sawirrada summadaysan Afrikaan
Nambarka Xubinka : 24
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Mar 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 367
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 16
Sumcada Xubinka : Afrikaan Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Afrikaan

   

Fulin la'aan Jawaabta: Sideen Qur,aanka u xafidaa ?

Waxaa la qoray : [ 06-07-2013 ]


Maashaa'allaah cashar heer sare ah. Ilaahay ha ku barakeeyo. Aamiin.

Saxiixa : Afrikaan

Ilaahay Ha barakeeyo Afrika

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 3 )
kibirley
Xubin Fir-Fircoon
Sawirrada summadaysan kibirley
Nambarka Xubinka : 45
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Apr 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 207
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 23
Sumcada Xubinka : kibirley Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda kibirley

   

Fulin la'aan Jawaabta: Sideen Qur,aanka u xafidaa ?

Waxaa la qoray : [ 07-07-2013 ]


jazakallahu khayr waa heer sare


Saxiixa : kibirley

Ilaahow wixii afkayga ku hadla Cisee (Adaa Casiis ahe)

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 4 )
xuseen
Xubin Fir-Fircoon
Sawirrada summadaysan xuseen
Nambarka Xubinka : 30
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Apr 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 265
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 23
Sumcada Xubinka : xuseen Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda xuseen

   

Fulin la'aan Jawaabta: Sideen Qur,aanka u xafidaa ?

Waxaa la qoray : [ 07-07-2013 ]


Horta ilaah baa mahadda leh. Waanan ku salaamayaa Abdurahman Mohamed. Intaa wixii ka danbeeya saaxiib cashar wanaagsan waa yahay casharkani laakiin haddii la yiraahdo copy paste waa lagu soo guri karaa halkan waa adiga oo aan iga xanaaqine.
Fadlan saaxiib boggaan waxaan ugaga jeclahay bogagga kale laguma aqoon copy paste waxa loo yaqaane ee isku day ugu yaraan inaad xataa haddaad soo qaadato qoraal ku cajabiya sidaan horay ugu aragnay qof hore oo soo qaatayba in aad sheegto qoraaga taana wuu mudanyahay. Adiga oo aan iga xumaan qoraalkan meel kale ayaan ku hayaa iyo website kale.
Sidaan aamminsanahay ayaa ah xigo laakiin xus qoraaga illeen wuu ku soo daalaye!. Intaasi waa iga horumar jacayle hayla yaabin. (Qoraalladaadu ha'ahaadaan Exclusive) Salaamu Calaykum


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 5 )
axmed yasin goohe
Nambarka Xubinka : 1015
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Jun 2014
Wadanka :
ka qayb galka : 1
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 10
Sumcada Xubinka : axmed yasin goohe Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda axmed yasin goohe

   

Fulin la'aan Jawaabta: Sideen Qur,aanka u xafidaa ?

Waxaa la qoray : [ 19-06-2014 ]


waxaan ku xidiyaa quranka sidan
maalinkii 2bog ayaan xifdiyi jiray
kadib markaan dhameeyay
maalinkii kastaba juz ayaan subcin jiray waa mar uu iijiro wax yaabo kale
lkn marka aan wax iijirin waan kabadin jiray


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 6 )
abdiqani
Booqde
Nambarka Xubinka :
Taariikhduu xubinku is qoray golaha :
Wadanka :
ka qayb galka : n/a
Isku cel-celinta qiimaynta heereed :
Sumcada Xubinka :
Xiriirka :

   

Warqad Jawaabta: Sideen Qur,aanka u xafidaa ?

Waxaa la qoray : [ 08-01-2017 ]


insha allh waxan raba in
aan dhigto quran ka
hadii alle ka dhigo aad
na wan u jeclahay quran ka
iyo cilmigiisa qaliga


Toosin/tir-tirid ka qayb gal
Jawaab celin iyo xigasho raacin.
Jawaab naq

Kilmadaha la'isla ogyahay (Tags)
allaah, ammaa, caddaaladda, dambaynta, dastuurkeenii, dheganno, dhigay, doodde, iftiinka, jidhkeena, jirtay, kugu, male, muslinka, nafteenna, naxariisteennu, nolosha, qiimo, quluubteena, rasmiga, sahayda, toosnaanta, xaqa, xasilooni, xikimaddiisii
Qalabka mowduuca
Noocyada muujinta mowduuc Qiimee mowduucan
Qiimee mowduucan:

Talooyinka ka qayb qaadashada
Mowduuc cusub waad ku dari kartaa
Waad ka jawaabi kartaa Mowduucyada
Faylal ma raacin kartid
Waad awooddaa Inaad ka qaybgalkaagii wax ka beddesho

BB code is waa la heli karaa
Ilka caddaymaha waa la heli karaa
Kowdka [IMG] waa la heli karaa
Kowd-ka HTML Taagan

Ka gudbid dhakhso ah.

Mowduucyada isu eg
Mowduuc Qoraaga mowduucan Golaha Ka qayb-gallo Ka qaybgalkii u danbeeyey
Sideen u Baran Karnaa Aamuska (2) Abdurahman Mohamed Aqoonta Diinta 1 03-07-2013 02:05 AM
Sideen u Baran Karnaa Aamuska(1) Abdurahman Mohamed Aqoonta Diinta 4 24-06-2013 07:20 PM
Tajwiidda Qur'aanka xuseen Golaha Barnaamijyada 10 27-02-2012 05:31 PM
Qur'aan Hees ku cajabisay ma raadisay weligaa? Halyeyga Afrika Golaha Barnaamijyada 12 03-09-2011 02:11 PM
Waddada ugu fudud ee aad Qur'aanka ku khatimikarto Maxammed Xamza Aqoonta Diinta 19 31-07-2011 03:30 PM

Faallada Feesbuuk oo uu tarjumay - Hoyga Aqoonta

Saacaddu hadda waa 11:41 PM.


Powered by vBulletin® Copyright ©2000 - 2017, Jelsoft Enterprises Ltd. Waxaa tarjumay Faysal.Saacid.Shire
Qoraalka qofka soo bandhigay ayaa ka mas'uul ah, ee goluhu shaqo kuma leh. Xuquuqda waxaa iska leh Hoyga Aqoonta Barnaamijcom