Ku noqo   Hoyga Aqoonta >
Hoyga Murtida
> Gabayada

Gabayada Gabayada iyo qaybihiisa kala duwan halkan ku soo bandhig ama ka'akhriso.

Jawaab naq
 
Qalabka mowduuca Noocyada muujinta mowduuc
KAqayb Galka : ( 1 )
 
hassan4w
Hassan Kaafi

Ma joogo/joogto hadda hassan4w

       
Nambarka Xubinka : 94
Taariikhduu xubinku is qoray golaha: May 2011
Wadanka : Germany
ka qayb galka: 29
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 10
Sumcada Xubinka : hassan4w Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka:
Fulin la'aan Waa maxay Gabay?

Waxaa la qoray : [ 26-05-2011 ]


Waan idin salaamay dhammaan mudanayaal iyo Marwooyin salaan kadib:
Ma ogtahay Akhristoow in gabaygu yahay boqorka Suugaanta Soomaaliyeed, isla markaana ah midka ugu adag xagga qaafiyadda, Gabaygu waxa uu uga duwanyahay maansada inteeda kale waxa uu leeyahay miisaan ku salaysan Hojis iyo hooris (Qayb hore iyo Qayb dambe), isla markaana waxa shardi ah in ugu yaraan laga helo laba xaraf oo isku mid ah oo midna hojiska ku jiro midna hooriska si loo deel qaaf tiro gabayga, laba xaraf ka yar gabaygaasi waa nuuqus mana deel qaaf tirra, si kastoo gabaygaagu u miisaamanyahay ase uusan deel qaaf tirrayn gabaygaasi waa jacbur, waxaad kaloo arki kartaa gabay sadex dhaca, afar dhaca ama shan dhaca, marka aan ku leeyahay sadex dhac ama shan dhac waa sadex ama afar goor xarafkii oo la soo celiyo, tusaale ahaan aan curiyo baydad ku qaafiyadaysan xarafka "X":



Bayd laba dhac ah: Xikmad wayday Maansaba, Hadday Xaraf tabaysaaye
Bayd Sadex dhac ah: Xasanoow Xasuus gabay, Haddaan Xarafyo Kaa siiyo
Bayd afar dhac ah: Xoolihii Xayeeshiye, Xubnana Daaye Xarakaad
Bayd Shan dhac ah: Xaq la Xiray Xumaan loo Xarbiyay, Xaaluf iyo gaajo


Hadaba waxa aan ku soo af meerayaa dhalinta oo ay dhawaanahan iska dhex gashay suugaanta soomaaliyeed, oo nooc walba oo maanso ah ugu yeera gabay, in ay ogaadaan in aysan ahayn gabay ee waxaa gabay ah maansadii yeelata qaab dhismeedkaas aan kor ku sheegay.

MAHAD ALLAA LEH,

Hal-abuur: Xassan Yuusuf Xaaji (HYH)
hasan4w@hotmail.com
Mowduucyo dheeraad ah

 

Mowduucii hore : Waa maxay Gabay?     -||-     Ka soo jeeda:     -||-     Qoraaga: hassan4w

Horumarkaynu waa adoo ra'yigaaga feesbuuk noogu sheega


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 2 )
Halyeyga Afrika
Sawirrada summadaysan Halyeyga Afrika
Nambarka Xubinka : 2
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Feb 2011
Wadanka : Qaaradda Afrika
ka qayb galka : 439
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 16
Sumcada Xubinka : Halyeyga Afrika Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Halyeyga Afrika

   

Fulin la'aan Naq Waa maxay Gabay?

Waxaa la qoray : [ 28-05-2011 ]



Ka qayb galkan waxaa horay u qoray oo diyaariyey hassan4w tusmo ka qayb gal

Waan idin salaamay dhammaan mudanayaal iyo Marwooyin salaan kadib:
Ma ogtahay Akhristoow in gabaygu yahay boqorka Suugaanta Soomaaliyeed, isla markaana ah midka ugu adag xagga qaafiyadda, Gabaygu waxa uu uga duwanyahay maansada inteeda kale waxa uu leeyahay miisaan ku salaysan Hojis iyo hooris (Qayb hore iyo Qayb dambe), isla markaana waxa shardi ah in ugu yaraan laga helo laba xaraf oo isku mid ah oo midna hojiska ku jiro midna hooriska si loo deel qaaf tiro gabayga, laba xaraf ka yar gabaygaasi waa nuuqus mana deel qaaf tirra, si kastoo gabaygaagu u miisaamanyahay ase uusan deel qaaf tirrayn gabaygaasi waa jacbur, waxaad kaloo arki kartaa gabay sadex dhaca, afar dhaca ama shan dhaca, marka aan ku leeyahay sadex dhac ama shan dhac waa sadex ama afar goor xarafkii oo la soo celiyo, tusaale ahaan aan curiyo baydad ku qaafiyadaysan xarafka "X":


Bayd laba dhac ah: Xikmad wayday Maansaba, Hadday Xaraf tabaysaaye
Bayd Sadex dhac ah: Xasanoow Xasuus gabay, Haddaan Xarafyo Kaa siiyo
Bayd afar dhac ah: Xoolihii Xayeeshiye, Xubnana Daaye Xarakaad
Bayd Shan dhac ah: Xaq la Xiray Xumaan loo Xarbiyay, Xaaluf iyo gaajo


Hadaba waxa aan ku soo af meerayaa dhalinta oo ay dhawaanahan iska dhex gashay suugaanta soomaaliyeed, oo nooc walba oo maanso ah ugu yeera gabay, in ay ogaadaan in aysan ahayn gabay ee waxaa gabay ah maansadii yeelata qaab dhismeedkaas aan kor ku sheegay.

MAHAD ALLAA LEH,

Hal-abuur: Xassan Yuusuf Xaaji (HYH)
hasan4w@hotmail.com

Xasan waad ku mahadsantahay aqoontan ee su'aal baan ka leeyahay
marka laga tago oo laga reebo
(Hoojis iyo hooris) midda kale ee aad illowdaan gabayaannadiinnu waa inuu
gabaygu ku dhammaado (Shaqal) afafka kale waxaad arkaysaa sharrax waafi ah
iyaga oo iska siinaya. Hadal iyo dhammaantii dad badan baan aqaan oo jecel
tirinta gabayga qaybihiisa kala duwan ee ma shardi baa inuu shaqal ku dhammaado
inuu labo xaraf wato iwm. Marka adoo mahadsan sharrax ma naga siin kartaa.
Mahadsanid.

Saxiixa : Halyeyga Afrika

Aqoon la'aani waa iftiin la'aane





Ogaada Ogaada walaalayaal Ogaada.


ALLAHA U NAXARIISTO INTA CILMIGA CISEYSA

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 3 )
hassan4w
Hassan Kaafi
Nambarka Xubinka : 94
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : May 2011
Wadanka : Germany
ka qayb galka : 29
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 10
Sumcada Xubinka : hassan4w Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda hassan4w

   

Fallaar Naq Waa maxay Gabay?

Waxaa la qoray : [ 11-06-2011 ]


Asalaamu Calaykum.

Waan idin salaamay akhyaarta sharafta leh, salaan kadib, in kastoo aanan ahayn abwaan balse aan isku dayo inaan sharaxaad yar ka bixiyo su'aasha la i waydiiyay, oo ahayd Gabaygu ma shardi baa in uu ku dhamaado iyo in uu laba xaraf ka koobanyahay ama ka badan.

> Khasab ma aha in baydku ku dhamaado shaqal sida (A,E,U,I , O) balse way u badantahay in uu ku dhamaado inta badana waxaa sababa ayagoo u taagan xiriiriye-yaal kutusaya in tiraabta taraabi ka dambayso taasoo xiriir la leh tii hore balse Khasab maaha, waxaana taas tusaale u ah gabaygaan oo uu tiriyay Abwaan Cabdullaahi Dhoodaan, mar uu ka hadlayay sida loo dayacay badihii kale ee maansada soomaaliyeed ee Hees un laysugu hawlay.

- Qarnigaa badalay maansadii, qaaliga ahayde
- Qaaraami iyo heesay wakhtigan, uga qushuucaane
- Ka qulquliya geeraarka aad, looma qaayibo e
- Inta gabay qofkii marin lahaa, qiimo jabinaayo
- Quful inaan ku gooyaaba roon, qoomamuu taraye

- Inkastoon sidaa uga qashdhacay, oo qalbigu diiday
- Oo gabay qalleyf saa u yahay, amuu qadhaadhaaday
- Aan iskaga qutubo haatan way, igu qodeeyeene

Hadaba waxaan aragnaa baydadka ku dhamaanaya shaqalada in ay yihiin intooda badani kuwo ku tusaya qaab xiriir muujinaya.

> Tan labaad oo ah ma Shardi baa in laba xaraf laga helo, jawaabtu waa haa, waa shardi in laga helo ugu yaraan laba xaraf oo kala saaran miisaanka labadiisa dhinac (Hojiska iyo Hooriska) waana tan aan horay uga hadlay oo aan qoraalka kore ku muujiyay.

Mahadsanidiin


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 4 )
Rooble
Xubin Fir-Fircoon
Nambarka Xubinka : 4
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Feb 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 168
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 40
Sumcada Xubinka : Rooble Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Rooble

   

Fulin la'aan Naq Waa maxay Gabay?

Waxaa la qoray : [ 12-06-2011 ]


Su'aal baan ka leeyahay
Xasan maadaama aad tahay
gabayaaga keliya ee golaha
barnaamijcom illaa waqtigan la joogo
sababtoo ah gabayada aad qorto intaas ishaan
kala socday oo waa kuwa xiise gelin leh.
waxaanan ku han weynahay
inaad gabayada iyo maansooyinka
waxyaabo badan nooga dhigto
nagana fahansiiso adoo mahadsan.


Su'aashaydu waa

Gabayga ma la baran karaa
mise waa mowhibo oo qofku wuu ku dhashaa
ama dhaxlaa?

Mahadsanid.


Saxiixa : Rooble


"
Rasuulku calayhi salaatu wasalaam
"
wuxuu yiri.

"Sadaqada ugu fiicani waa inuu muslimku wax barto,markaana walaalkiisa muslinka ah baro"


Maylku tallaabuu ka bilowdaa (Maahmaah shiinays ah)



Kalgacaylka aad dalkaaga u haysaa, waa iimaanka ka bar.

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 5 )
hassan4w
Hassan Kaafi
Nambarka Xubinka : 94
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : May 2011
Wadanka : Germany
ka qayb galka : 29
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 10
Sumcada Xubinka : hassan4w Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda hassan4w

   

Fulin la'aan Naq Waa maxay Gabay?

Waxaa la qoray : [ 01-07-2011 ]


Su'aashaas rag badan baa horay loo waydiiyay waxayna sheegeen in mawhibana jirto isku taxalujinna lagu hanan karo gabyaanimada, waan filayaa haddii aad tahay qof ka hela gabayada ama maansooyinka aadna isku taxalujiso inaad fahanto qaabka ay u kala baxaan sida ay u dhacaan, miisaamidooda, deelqaaf tirkooda iyo waxyaaba kalaba, waa aad keeni kartaa waanad noqon kartaa qof wax curin kara. Mahadsanid


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
Jawaab naq

Qalabka mowduuca
Noocyada muujinta mowduuc

Talooyinka ka qayb qaadashada
Ma hal abuuri kartid Mowduuc cusub.
Waad ka jawaabi kartaa Mowduucyada
Ma raacin kartid faylkan lammaane
Ma'awooddi inaad ka qayb galkaagii wax ka beddesho

BB code is waa la heli karaa
Ilka caddaymaha waa la heli karaa
Kowdka [IMG] waa la heli karaa
Kowd-ka HTML Taagan

Ka gudbid dhakhso ah.

Mowduucyada isu eg
Mowduuc Qoraaga mowduucan Golaha Ka qayb-gallo Ka qaybgalkii u danbeeyey
Gabay(Sidani waa ceeb dheh) Saciid Muuse (ustaadka) Gabayada 2 06-10-2014 06:57 PM
Saciid Muuse Ustaadka( waa maxay qabyaaladi) Saciid Muuse (ustaadka) Gabayada 3 19-05-2014 02:39 PM
Maxay ka dhigantahay kibirley Su'aalaha kumbiyuutarka 3 30-03-2012 12:31 AM
maxay ahayd? Hassan hashi Halxiraale & Xujooyin 9 02-11-2011 02:53 PM
Bishu maanta waa laba waa bilan ayaamuhu Hassan hashi Gabayada 10 08-10-2011 11:48 AM

Faallada Feesbuuk oo uu tarjumay - Hoyga Aqoonta

Saacaddu hadda waa 06:17 PM.


Powered by vBulletin® Copyright ©2000 - 2017, Jelsoft Enterprises Ltd. Waxaa tarjumay Faysal.Saacid.Shire
Qoraalka qofka soo bandhigay ayaa ka mas'uul ah, ee goluhu shaqo kuma leh. Xuquuqda waxaa iska leh Hoyga Aqoonta Barnaamijcom