Ku noqo   Hoyga Aqoonta >
Aqalka Kumbiyuutarka % Internet-ka
> Kumbiyuutarka & Internet-ka

Kumbiyuutarka & Internet-ka Waxaa ku jira wixii ku saabsan kumbiyuutaka iyo internet-ka wixii looga shaqayn lahaa..

Jawaab naq
 
Qalabka mowduuca Noocyada muujinta mowduuc
KAqayb Galka : ( 1 )
Sawirrada summadaysan Halyeyga Afrika
 
Halyeyga Afrika

Ma joogo/joogto hadda Halyeyga Afrika

       
Nambarka Xubinka : 2
Taariikhduu xubinku is qoray golaha: Feb 2011
Wadanka : Qaaradda Afrika
ka qayb galka: 439
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 16
Sumcada Xubinka : Halyeyga Afrika Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka:
Fulin la'aan Kooraska Windos-ka

Waxaa la qoray : [ 11-03-2011 ]


Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Kooraska baro Windos-ka
Fidinta aqoontu waa mid waajib ku ah qof walba wuxuu yaqaan.
Maanta waxaan idiin soo bandhigayaa kooras ah Windows.
Waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu ila garab galo.
Sidaad ula socotaanba nadaamyada shida kumbiyuutarka ama mishiinka aynu adeegsanno hadda oo uu shido waxa loo yaqaan Windows.
Waxaa ugu horreeyey (Dos) Doos-kaas oo ahaa shaashad madow wax walbana gacanta lagu qori jiray.
waxaa ku xigay Windows (3.11) Window (95) . Windows(98)
Windows (Me). Windows (Xp) Windows (Vista) Windows (7) iyo Windows loo yaqaan (2003)loona adeegsado (Server) iwm.
Hadda waxaynu baranaynaa waa Window (Xp) oo badanaa dadku aad u'adeegsadaan looguna jecelyahay.
Windows waxay u dhigantaa Af Soomaali (Dariishado/Daaqado)
Markaad guri ama aqol dariishadda ka soo eegto waxaa kuu muuqanaya siduu gurigu u yaal sida, sariirtu meeshay ka taal,hadduu kursi dhex yaal iwm.
Hadal iyo dhammaantii waa Dariishado. Iga raalli ahow akhristaha qiimaha lahow mid baan kuu sheegayaa, Mouse-ka (Jiirka) labada farood ee la saaro adduunku wuxuu u kala yaqaannaa (farta midig iyo farta bidix) Faraha la saarona waa farta loo yaqaan murdiso ama farta suulka ku xigta (Taasna waa farta bidix) Farta dhexe waxaa loo yaqaan (Farta Midig) (Left Click right click)
Liiskaas hoose waxaa loo yaqaan (Task bar) ama Sugitaan wixii aad shiddaana way ku sugayaan bay ka dhigantahay.Sawirka eeg.

Eeg markaad bog internet furtidba meeshaasuu dhigmayaa markaasaad ku kale u wareegaysaa, iftiinkaa ku yaraanaya kii aad horay ugu shaqaynaysay. Marba kaad ku shaqaynayso ayaa iftiin leh.
Dhanka midigta xiga waxaa ku muuqda Saacadda,barnaamijka Vayruska,Codka meesha laga dheereeyo,iyo Maasinjerka,badanaana waxaa halkaa ku soo baxa barnaamijyada kumbiyuutarku markuu shidmo la shidma. Taana mar kale ayaynu ka hadlaynaa. inshaa'allaah

Howlo badan bay leedahaye mid mid aynu u galno.


Start waxaa lagu koobaa wixii kumbiyuutarka barnaamij ah oo kuugu jira iwm.

Markaad farta bidix ku dhufatid bay kuu soo baxayaan intaas oo ikhtiyaar.
Mid mid aynu uga sheekayno.
( Log off ) Markaad riixdid wuxuu ku siinayaa labo ikhtiyaar
(Switch user) iyo ( Log off )



Switch User waa markaad ku isticmaashaan kumbiyuutarka dhowr qof baa qof walba goobtiisii galayaa.
Log off-na ma wada demayo balse wixii aadan kaydin baa lumaya oo haddaad howl wadday meel fiican kuu maraysay sida, adoo wax qorayey wixii waa lumayaan.
Ikhtiyaarka ku xiga waa ( Turn off the computer )
Marka ikhtiyaarkani wuxuu ku siinayaa saddex ikhtiyaar.
( Stand by ) ( Turn off ) ( Reset )


Stand by Marka la adeegsado shaashadda ayuu kuu deminayaa sida qof soo noqonaya oo kale howshii aad waddayna sideedii iyada oo ah baad ugu soo noqon. Hadduu kumbiyuutarku yahay laabtoob markaad shaashadda furtid baad taaban galuuska/badhanka laga shido. Hadduu yahay Desktop (Kumbiyuutar gurina ) sidoo kale.
Turn off wuxuu deminayaa kumbiyuutarka oo dhan wixii aadan kaydinna way u badantahay inuu ku weydiiyo kaydintooda.

Reset ama Restart
Hadba kii kuugu jira kumbiyuutarkay soo shidayaan.
------------------------------------
Kaalinta koowaadi hadda waa (All Programs ) ama Program hadba kii kuugu jira meel kale ayaynu ku baran sida looga beddelo'e.
All Programs ama Programs waxaa kuugu jira waxa barnaamij kumbiyuutarka kuugu jira oo dhan kuwa aad gelisay ama kuwa ku yimaadaba.
Taasina waa howl fududayn.


Recent Documents Ama Documents
Halkaa waxaa gala warqadihii ama sawirradii ugu danbeeyey ee markaa fiirsanaysay ama aad qoraysay... Waana sida ugu fudud ee lagu heli karo.


----------------------------------------
Sida loo beddelo Start habkay u soo baxayso.
Marka hore Mouse-ka (Jiirka) u gee Start... Farta midig ku dhufo ama far dhexada
waxaa kuu soo baxaya ikhtiyaarro aad (Properties)
Farta Bidix markaa ku dhufo markaad korkeeda geysid.



Markaa waxaa kugu soo baxaya liis kale
Haddii wareeggu yahay (Start Menu) tan hore oo aad rabto
(Classic Start Menu) waxa keliya oo aad samaynaysaa dhibicda dhexda ku jirta tan kale u gee,markaana (Apply) Riix (Ok)-na ku xiji.

Mowduucyo dheeraad ah

 

Mowduucii hore : Kooraska Windos-ka     -||-     Ka soo jeeda:     -||-     Qoraaga: Halyeyga Afrika

Horumarkaynu waa adoo ra'yigaaga feesbuuk noogu sheega


Saxiixa : Halyeyga Afrika

Aqoon la'aani waa iftiin la'aane





Ogaada Ogaada walaalayaal Ogaada.


ALLAHA U NAXARIISTO INTA CILMIGA CISEYSA

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 2 )
Halyeyga Afrika
Sawirrada summadaysan Halyeyga Afrika
Nambarka Xubinka : 2
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Feb 2011
Wadanka : Qaaradda Afrika
ka qayb galka : 439
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 16
Sumcada Xubinka : Halyeyga Afrika Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Halyeyga Afrika

   

Fulin la'aan Kooraska windows-ga

Waxaa la qoray : [ 11-03-2011 ]


Kaalintii labaad

Sida loo beddelo sawir danbeedka shaashadda.
Marka hore (Mouse)-ka meel bannaan oo shaashadda ka mid ah saar
markaa farta midig riix,waxaa kuu soo baxaya ikhtiyaarro tan ugu hoosaysa farta bidix ku riix (Properties)


markaa waxaa kuu soo baxaya shaashad, intaan ka rabno hadda waa meesha ay ku qorantahay (Desktop) ee sare. Markaa wuxuu ku siin ikhtiyaarro kale oo hoose sawirka aad rabto marka aad dhammaysona riix Apply ama Ok


Waxaa halkan ku jira oo kale markaad kumbiyuutarka sida 5 daqiiqadood ka maqnaatoba inuu sameeyo Shaashad ilaalin ama (Screen Saver)
Riix (Screen Saver) oo ku'ag taalla Desktop.
Markaad howl walba dhammaysoba Fadlan ha'illaawin Ok ama marka hore Apply


Saxiixa : Halyeyga Afrika

Aqoon la'aani waa iftiin la'aane





Ogaada Ogaada walaalayaal Ogaada.


ALLAHA U NAXARIISTO INTA CILMIGA CISEYSA

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 3 )
Halyeyga Afrika
Sawirrada summadaysan Halyeyga Afrika
Nambarka Xubinka : 2
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Feb 2011
Wadanka : Qaaradda Afrika
ka qayb galka : 439
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 16
Sumcada Xubinka : Halyeyga Afrika Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Halyeyga Afrika

   

Fulin la'aan Kooraska windows-ga

Waxaa la qoray : [ 13-03-2011 ]


Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Weli duruustii Windows-ka ayaynu wadnaaye.
Kaalintii 3-aad
Dariskani waa (Desktop)
ama
(Miiska Korkiisa)
Waana shaashadda aad wax ku aragto iyo waxa saaran.
Miiska korkiisu waxaa lagu samayn karaa waxyaabo badan
1- Faylashaa lagu hal'abuuri karaa
2- Galalkaa lagu hal'abuuri karaa.
3- Sawirradaa la saaran karaa
iyo howlo kale.


B = Ku hal'abuurka fayl Miiska
(Waxaad dhigaysaa Jiirka meel bannaan markaasaad riixaysaa farta midig)
saf dheer ayaa kuu soo baxaya hoos u deg oo ku riix farta bidix
meesha ay ku qorantahay
(New) Cusub.


Sidanna wuu kuugu soo baxayaa markaana magaca aad la rabto ku qor markaba aad la rabto.


hadda hal'abuur fayl aad wax ku qori karto kaydsanna karto.
midigta ku dhufo markaa tag New ku xiji Wordpad document
markaana magaca ku qor.



"



Labo siyaaboodba faylka galka hadda waad ugu ridi kartaa adigoo jiida,ama adigoo inta faylka furtid oo markaad wax ku qortid ku ilaalin kara galkaaga.
Hadda faylka fur waxaad doontona ku qor markaana codso inaad kaydiso adoo aadaya Fayl








Ogaada duruustu waa inoo socotaa inta itaalkay ahna waan soo diyaarin,ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu ila garab galo....

Saxiixa : Halyeyga Afrika

Aqoon la'aani waa iftiin la'aane





Ogaada Ogaada walaalayaal Ogaada.


ALLAHA U NAXARIISTO INTA CILMIGA CISEYSA

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 4 )
Rooble
Xubin Fir-Fircoon
Nambarka Xubinka : 4
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Feb 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 168
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 40
Sumcada Xubinka : Rooble Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Rooble

   

Fulin la'aan Naq Kooraska Windos-ka

Waxaa la qoray : [ 12-04-2011 ]


Waa deris dadku hadday qiimihiisa yaqaannaan
aan aqoonta u lahayn windowska maalin walba way furi
lahaayeen.Mahadsanid.


Saxiixa : Rooble


"
Rasuulku calayhi salaatu wasalaam
"
wuxuu yiri.

"Sadaqada ugu fiicani waa inuu muslimku wax barto,markaana walaalkiisa muslinka ah baro"


Maylku tallaabuu ka bilowdaa (Maahmaah shiinays ah)



Kalgacaylka aad dalkaaga u haysaa, waa iimaanka ka bar.

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 5 )
abwn: cabdi rabbi caaqil
Sawirrada summadaysan abwn: cabdi rabbi caaqil
Nambarka Xubinka : 83
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : May 2011
Wadanka : kenya
ka qayb galka : 176
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 30
Sumcada Xubinka : abwn: cabdi rabbi caaqil Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda abwn: cabdi rabbi caaqil

   

Fulin la'aan Jawaabta: Kooraska Windos-ka

Waxaa la qoray : [ 03-08-2012 ]


maasha'alaah waad mahadsantahay halyeeyga


Saxiixa : abwn: cabdi rabbi caaqil

Tuuji maskaxdaada
Tijaabi aqoontaada
Tilmaan shacabkaaga
Toosi nafsaddaada
Tamartaada ilaahay uga baq
waa talo abwaan

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
Jawaab naq
Qalabka mowduuca
Noocyada muujinta mowduuc

Talooyinka ka qayb qaadashada
Ma hal abuuri kartid Mowduuc cusub.
Waad ka jawaabi kartaa Mowduucyada
Ma raacin kartid faylkan lammaane
Ma'awooddi inaad ka qayb galkaagii wax ka beddesho

BB code is waa la heli karaa
Ilka caddaymaha waa la heli karaa
Kowdka [IMG] waa la heli karaa
Kowd-ka HTML Taagan

Ka gudbid dhakhso ah.

Faallada Feesbuuk oo uu tarjumay - Hoyga Aqoonta

Saacaddu hadda waa 11:27 PM.


Powered by vBulletin® Copyright ©2000 - 2017, Jelsoft Enterprises Ltd. Waxaa tarjumay Faysal.Saacid.Shire
Qoraalka qofka soo bandhigay ayaa ka mas'uul ah, ee goluhu shaqo kuma leh. Xuquuqda waxaa iska leh Hoyga Aqoonta Barnaamijcom