Ku noqo   Hoyga Aqoonta >
Aqalka Kumbiyuutarka % Internet-ka
> Kumbiyuutarka & Internet-ka

Kumbiyuutarka & Internet-ka Waxaa ku jira wixii ku saabsan kumbiyuutaka iyo internet-ka wixii looga shaqayn lahaa..

Mowduuc xiran
 
Qalabka mowduuca Noocyada muujinta mowduuc
KAqayb Galka : ( 1 )
 
Rooble
Xubin Fir-Fircoon

Ma joogo/joogto hadda Rooble

       
Nambarka Xubinka : 4
Taariikhduu xubinku is qoray golaha: Feb 2011
Wadanka :
ka qayb galka: 168
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 40
Sumcada Xubinka : Rooble Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka:
Fulin la'aan Barnaamij la'aan samee kumbiyuutarkaaga

Waxaa la qoray : [ 16-03-2011 ]


Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Barnaamij la'aan samee kumbiyuutarkaaga.
Kaalintii 1 aad
Dhammaan dadku way jecelyihiin inuu kumbiyuutarku si fiican u shaqeeyo oo uusan marna xumaan.

adeegsaduhu mar walba wuxuu kala soo degaa barnaamijyo ku habboon samaynta kumbiyuutarka internet-ka kuwaasoo
ku keena (virus) Fayrus inay la socdaan.
Waxaa jira waddooyin badan oo lagu hagaajiyo loogana maarmo barnaamijyada dheeraadka ah taasoo dhibaato ku keeni karta kumbiyuutarkaaga..Aynu bilowno sharraxa.
Faah-faahin.
Marka hore markaad adeegsade tahay mar walba waa inaad haysataa ( Cd ) Window si mar walba aad u adeegsatid.

Hagaajinta Faylasha Nadaamka.( waa markaad faylasha qaarkood weydo ama culays ka dareento )
Geli Cd-ga (windows)-ka
Riix ( Start )
Ku xiji ( Run )
Meesha yar ku qor ( CMD)
Riix markaas (ok)
shaashad madow baa kuu soo baxaysa oo loo yaqaan (Dos)
Ku qor dhammaadkeeda ( CFC/scannow )
ku daa illaa uu ka dhammaynayo,markaana kasoo saar (Cd-ga)
soona shid kumbiyuutarka oo arag faraqa u dhexeeya.
======================================== =====
Badanaa markuu kumbiyuutarku shidmayo waxaa laga yaabaa inuu waqti dheer qaato,sababtoo ah waxaa jira barnaamijyada kuugu jira ayaa qaarkood la shidmayaan ( Windows-ka).
Si'aad u joojiso
Riix (Start)
Riix (Run)
Shaashadda yar ku qor (MSCONFIG)
Waxaa kuu soo baxaya shaashad weyn ka dalbo
(Startup)
Eeg (Command) hoosteeda hadduu barnaamijkaasi yahay mid
(C:\Window\.....) waxna sii raacaan iska daa oo wuxuu khuseeyaa Window-kee.
Hadduuse yahay sidan oo kale (C:\program Files\....)
waad joojin kartaa adoo riixaya calaamadda saxda ah ee ka horraysa mid walba.
Markaa wuxuu kaa codsan inaad soo shiddo kumbiyuutarka mar kale si'uu is beddelka u arko.
======================================== ================
Si'aad barnaamij kumbiyuutarka si nabada uga tir-tirto.
Riix (Start)
Aad (Control Panel)
Riix (Add/Remove programs)
markaana ka dalbo barnaamijkaad tuurayso adoo riixaya kuna xiji (Change/Remove)
Shaashad baa kuu soo baxaysa barnaamijkaas khusaysa kuna weydiinaysa inay kaa dhab tahay iyo in kale. Horay u raac illaa aad ka dhammayso.
======================================== ============
Ku celinta kumbiyuutarka siduu maalmihii hore ee uu wanaagsanaa ahaa!
Riix (Start)
ku xiji
(Programs) ama (All program)
hadba kii kuu muuqda.
aad (Accessories)
eeg (System tools)
Markaana (System Restore)
Shaashad baa kuu soo baxaysa badanaa labo illaa saddex ikhtiyaar leh.
dalbo (Restore my computer to an earlier time)
Haddaadse lahayd meel uu u noqdo dalbo (Undo my last Restoration)
Haddii kumbiyuutarkaagu cusub-yahay waxaa wanaagsan inaad hal'abuurtid meel uu mar walba uu u noqdo adoo dalbanaya (Create a restore point)
Marka tan koobaad baynu wadnaaye markaad gooladda/Goobaabinta riixdo ku dhufo
(Next)
Waxaa kuu soo baxaya meel ay ku muuqanayso Bille ama Kalandar, meeshaas waad ka dooran kartaa bishii / Maalintuu ugu fiicnaa kumbiyuutarkaagu adigoo markaad taariikhahaas markaad u geyso uu (Mouse) Jiirku noqonayo far wax tilmaamaysa. Markaad dalbatid-na riix
(Next)
Wuxuu ku weydiin maalintaas isagoo qoraya taariikhda iwm.
Ku xiji (Next)
Wuu is deminayaa kumbiyuutarku isna soo shidayaa,markaa wuxuu kuu soo saaraya shaashad sheegaysa howshu meeshay ku dhammaatay sida,inay fushay iyo inaysan fulin.
======================================== =
Badanaa marka kumbiyuutarka muddo dheer lagu shaqeeyo wuxuu dhaliyaa faylal badan oo isku magac ah...
Kaba soo qaad waxaad ku adeegsataan kumbiyuutarka adiga iyo 3 carruurtaada ah ama walaalladaa. Mid walba wuxuu leeyahay howlo uu kumbiyuutarka ka qabto oo uusan kan kale la wadaagin... Markii la furo Barnaamijyada wax lagu qoro sida (Word) iwm oo uu saaxiibkaa ku shaqeeyo waxna ku qoro ayuu wuxuu kaa codsaday inaad hadhow faylkaa furto.
Faylka markaad u soo noqoto oo aad adna wax ku qorto illaa dhowr nuqul (Copy) buu kuu samaynayaa. Marka si faylashaas la'isugu geeyo meel keli ah sidan samee.
Riix (Start)
(All program) ama (Program)
(Accessories)
(System Tools)
(Disk Defragment)
Shaashad baa kuu soo baxaysa ku weydiinaysa Saxanka aad rabto inaad faylashiisa isu geyso waa hadduu kumbiyuutarkaagu u qaybsan-yahay dhowr qaybood.
Markaa Riix (Defragment)
Markaa marba qayb ku samee isu geynta faylashaas.
Howshani waa mid ku habboon bishii mar inaad samayso waqtina way qaadan.
===================================
Faylasha cusleeya kumbiyuutarka iska nadiifi mar walba.
Toddobaad walba waxaa wanaagsan howshan inaad kumbiyuutarka ku samayso.
Riix (Start)
(All programs) ama (Programs)
Hadba kii kuu muuqda
(Accessories)
(System Tools)
(Disk Cleanup)
Shaashad yar baa kuu soo baxaysa ku weydiinaysa sida
(c:\)
(d:\)
oo kale dalbo tan aad rabtid inaad nadiifisid.
markuu xoogaa wado shaashad kale ayaa kugu soo baxaysa kuna weydiinaysa faylasha aad rabto inaad nadiifiso. Dhammaantood dooro haddaad rabto. Markaana su'aal buu kuugu xijin (ok)
======================================

 
 
 
 
Mowduucyo dheeraad ah

 

Mowduucii hore : Barnaamij la'aan samee kumbiyuutarkaaga     -||-     Ka soo jeeda:     -||-     Qoraaga: Rooble

Horumarkaynu waa adoo ra'yigaaga feesbuuk noogu sheega


 
 Kaqayb Galka : ( 2 )
Maxammed Xamza
Sawirrada summadaysan Maxammed Xamza
Nambarka Xubinka : 7
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Feb 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 61
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 10
Sumcada Xubinka : Maxammed Xamza Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Maxammed Xamza

   

Warqad Naq Barnaamij la'aan samee kumbiyuutarkaaga

Waxaa la qoray : [ 05-04-2011 ]



WAA BARNAAMIJ AAD U FIICAN WAADNA KU MAHADSANTAHAY

 
 Kaqayb Galka : ( 3 )
Halyeyga Afrika
Sawirrada summadaysan Halyeyga Afrika
Nambarka Xubinka : 2
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Feb 2011
Wadanka : Qaaradda Afrika
ka qayb galka : 439
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 16
Sumcada Xubinka : Halyeyga Afrika Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Halyeyga Afrika

   

Fulin la'aan Naq Barnaamij la'aan samee kumbiyuutarkaaga

Waxaa la qoray : [ 06-04-2011 ]


Aad baad ugu mahadsantahay.


Saxiixa : Halyeyga Afrika

Aqoon la'aani waa iftiin la'aane





Ogaada Ogaada walaalayaal Ogaada.


ALLAHA U NAXARIISTO INTA CILMIGA CISEYSA

 
 Kaqayb Galka : ( 4 )
libaaxyar
Sawirrada summadaysan libaaxyar
Nambarka Xubinka : 200
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Jul 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 75
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 10
Sumcada Xubinka : libaaxyar Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda libaaxyar

   

Fulin la'aan Naq Barnaamij la'aan samee kumbiyuutarkaaga

Waxaa la qoray : [ 30-07-2011 ]


waxaan ku dhibtooday lee halkan ka helee ka waran
duruustiina waa waxa iqoray golah wanan ka faiday mahadsanid Rooble


Mowduuc xiran
Qalabka mowduuca
Noocyada muujinta mowduuc

Talooyinka ka qayb qaadashada
Ma hal abuuri kartid Mowduuc cusub.
Waad ka jawaabi kartaa Mowduucyada
Ma raacin kartid faylkan lammaane
Ma'awooddi inaad ka qayb galkaagii wax ka beddesho

BB code is waa la heli karaa
Ilka caddaymaha waa la heli karaa
Kowdka [IMG] waa la heli karaa
Kowd-ka HTML Taagan

Ka gudbid dhakhso ah.

Mowduucyada isu eg
Mowduuc Qoraaga mowduucan Golaha Ka qayb-gallo Ka qaybgalkii u danbeeyey
Soo Laabasho + Barnaamij aan idiin kugu tala galay EnG YaSiN Golaha Barnaamijyada 1 06-11-2016 10:52 PM
Si fudud u samee kumbiyuutarka Afrikaan Golaha Barnaamijyada sharraxan 5 27-10-2013 06:20 PM
Ka tir-tir ama ka masax barnaamij aadan rabin kumbiyuutarkaaga. Halyeyga Afrika Kumbiyuutarka & Internet-ka 12 01-07-2012 02:21 PM
Sida ugu sahlan ee kumbiyuutarka loo demiyo barnaamij la'aan. Yaasiin Kumbiyuutarka & Internet-ka 4 22-06-2012 01:57 AM
Yuutiyuub barnaamij la'aan kala soo deg Afrikaan Kumbiyuutarka & Internet-ka 2 22-04-2011 12:09 AM

Faallada Feesbuuk oo uu tarjumay - Hoyga Aqoonta

Saacaddu hadda waa 11:54 AM.


Powered by vBulletin® Copyright ©2000 - 2017, Jelsoft Enterprises Ltd. Waxaa tarjumay Faysal.Saacid.Shire
Qoraalka qofka soo bandhigay ayaa ka mas'uul ah, ee goluhu shaqo kuma leh. Xuquuqda waxaa iska leh Hoyga Aqoonta Barnaamijcom