Ku noqo   Hoyga Aqoonta >
Hoyga Murtida
> Gabayada

Gabayada Gabayada iyo qaybihiisa kala duwan halkan ku soo bandhig ama ka'akhriso.

Jawaab naq
 
Qalabka mowduuca Noocyada muujinta mowduuc
KAqayb Galka : ( 1 )
 
Saciid Muuse (ustaadka)

Ma joogo/joogto hadda Saciid Muuse (ustaadka)

       
Nambarka Xubinka : 1002
Taariikhduu xubinku is qoray golaha: Mar 2014
Wadanka :
ka qayb galka: 26
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 10
Sumcada Xubinka : Saciid Muuse (ustaadka) Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka:
Fulin la'aan Gabay (Jeestiyo Waraaq)

Waxaa la qoray : [ 31-12-2014 ]


30/12/2014

Gabay magaciisa la dhaho(Jeestiyo Waraaq) oo ah kaan ku xirayo suugaantii aan hawada idinkala qaybqaadan jiray, kuna macsalaamaynayo sanadkan tagayo.








1. Jiinlayda gabay waanigii, jeebka leey suraye
2. Waanigi jidkeediye aqiin, jabadadeediiye
3. Jumladiyo naxwaha, aan qoraa lala jalboodaaye
4. Jeegaana waa lagu mislaa, jaah ku midableeye
5. Mana aha jileecoo, ka culus jabalka buureede
6. Iyadaaba jeestiyo, waraaq lala duljoogaaye
7. Ooy jiilka jiil helahayaan jiridaheediiye
8. Nin jisaara moooyee, mid kale wuu i jaahgarane


9. Haddaan waaya joojiyay, bargaan, jaaniskii helaye
10. Iga hooya jowharad, nin helay jeesan kari waaye!



11. Afartaasi jiinkaan bartiyo, jimicsigaygii dheh
12. Jowharad iftiintoo habeen, wada jaleecdaan dheh
13. Jarras kuu dhawaaqiyo, dareen jirririceeyaa dheh
14. Jaafjaafle waxu keenin iyo jiif ku qorihii dheh


15. Halkay laabtu jamataan rabaa inaan jukeeyaaye
16. Jabalaan dulmari iyo dhuleey jaanta soo marine
17. Ka jumlaysta maantoo kalaad wada jeclaateene




18. Waxu eebe kuu jaray, cid baan joojin kariheyne
19. Amaan kaa jafsiin, saa insiga laga jil roonaaye
20. Waa sanad jadiidiyo, midkaloo jiitayoo tagiye
21. Jinna, noo siyaadoo, cimrigi jiifar baa koraye
22. Hayska jeesto asba wuu i baday, jarax xanuuneede



23. Afartaas intaan kuu jarjaray ja'i ma qaadsiiyay
24. Ma jimeeyay anigoo, nin garan jalalaw moow siiyay
25. Hadba jiiradaan rabay naxwaha, ma u jiheeysiiyay
26. Qaar baa jajuubanahayee, jiifto loo dhalay dheh!







27. Jilbis ruuxu goostiyo abees, Jagac miduu siistay
28. Amuu jeeni waynaha libaax, jiiro kala laabtay
29. Ama galab yaxaas jilif lahaa, jiinka kala booday
30. Jahligaa ka daran ruuxi aan Jiin la soo barine!




31. Afartaasi jiinkaan bartiyo jimicsigaygii dheh
32. Jarras kuu dhawaaqiyo, dareen jirririceeyaa dheh
33. Jaafjaafle waxu keenin iyo jiif ku qorihii dheh
34. Jowharad iftiintoo, indhaha, lala jaleecaa dheh
35. Afar kalena jeexeeda hoo waa laguu jariye





36. Jugta gaartay, soomaali wayn, jarraxa saameeyay
37. Jabka iyo faniinkaa ku yimid, Amase jaanjaanshay
38. Inuu soo jarmaayoo mar uun sama la jiidhaayo
39. Adba waad ujeedaa haddaad, jaakiraa tahaye




40. Jaajuus ninkii loo dirsaday, juruqda uun raacye
41. Jid waxuu u galo, oos walaal, jahawareershaaba
42. Amuu jiiro iyo luuq, naflaha kaga jaqiiqshaaba
43. Illayn jaranjar weeyee, markii jiirta lagu fuulo
44. In dantiisi soo jarantayoo, Laga jiseeysnaayo
45. Oo jiifis loo qori qabriga, jiingad lagi saaro
46. Adba waa ujeedaa haddaad, jaakiraa tahaye!





47. Afartaas intaan kuu jarjaray ja'i ma qaadsiiyay
48. Ma jimeeyay anigoo, nin garan mawga jalow siiyay
49. Hadba jiiradaan rabay naxwaha, ma u jiheeysiiyay
50. Qaar baa jajuubanahayee, jiifto loo dhalay dheh



51. Jiif xumiyo dood naag, haddeey joogto waligeedba
52. Oo eey juuqda dayneyn habeen, jaarku wada seexday
53. Jirriq iyo sidey tahay dhilqaha jiifka kugu gaado
54. Joodariga ruux lagu cunaa jiifan kari waaye
55. Jisadeedu iney tahay dalaaq jaa'is lagu siiyo
56. Oo Jaakadeedii mid kale lagu jimeynaayo
57. Adba waad ujeedaa haddaad jaakiraa tahaye


58. Janno baa jihaad lagu galaa, jilib la laabtaaye
59. Hayeeshee hadduu jaanis yahay, jirris aduunyeedda
60. Amuu joowfar falo, iyo xumaan kii ku dabajoogay
61. Jidka inuu ka weecdoo, markaas jahanamoo qiiq leh
62. Jib, la siini adba waa ogtahay, jeerad kulantaane





63. Jaamiciyo ninkii dhaar u maray, jaggada loo dhiibay
64. Deedatana jalaafiyo xumaan, jaa,ifiyo ceebo
65. Jifo iyo qabiil, iyo la yimid jees la kala geeyo
66. Asba inuu jasaagiisa heli, lana jajuubaayo
67. Oo jaakadiisii mid kale, lagu jimeynaayo
68. Adba waad ujeedaa haddaad igu jisaareeyne



70. Afartaas intaan kuu jarjaray ja'i ma qaadsiiyay
71. Ma jimeeyay anigoo, nin garan jalalaw moow siiyay
72. Hadba jiiradaan rabay naxwaha, ma u jiheeysiiyay
73. Qaar baa jajuubanahayee, jiifto loo dhalay dheh

74. Adooy kaa janjeertooy aroor, taladu kaa jeedo
75. Ooy kaa jajabantahay ,waqtigu waa jidaar culuse
76. Jaal iyo hadduu ruux, kalgacal kugula joogteeyo
77. Oo uu kuu jalaadaba, waxaad, jamato ood doonto
78. Jiso iyo abaal inaad u hayn, jirayo laabtaada
79. Adba waad ujeedaa haddaad igu jisaareeyne!



80. Jaamacad qof dhigan oo cilmiga, jaarti lagu siiyo
81. Jacayl iyo haddii uu cishqiyo, jilista uun haayo
82. Jarib subaxa imtixaan la maro, layska kala jeesto
83. Sidii jalaksigoo riday dabkii, inuu jiqleynaayo
84. Adba waa ujeedaa, haddaad igu jikaareeyne!





85. Jarri maayo nimco eebaheey, jaale kuu qoraye
86. Haddii aad jeesjeesi iyo jamasho baas keento
87. Ood jaar walaal iyo miskiin, jeex u dhigi waydo
88. Adba inaad jasaageedi heli, lana jifeeynaayo
89. Oo Jaakadeedii mid kale lagu jimeeynaayo
90. Adba waad ujeedaa haddaad jaa i fahantaaye
91. Jiilaal abaar ahi dhulkoo wada, jafaafoobay
92. Oo jeenan owr laga sugaa, jidad fog loo ceeyshay
93. Baryo uunku jeedaalinteed jirin ishaaleeyni
94. Gu'goo soo jibaaxiyay hadduu jabadadii hooro
95. Inuu uunka wada joogsan farax, lala jilboonaayo
96. Oo aan jaa la rabin haamihii jiinka laga doonay
97. Adba waad ujeedaa haddaad igu jikaareyne



98. Jadal murana waa lagu yaqaan, jaahil soo kacaye
99. Waa jalamad eberoo, dhaqsuu jalalawleeyaaye
100. Isagoo xarfaha laysku, jaro kala jumleynin
101. Oo jiif ku qorayoo marnaba, joog ka tirineeynin
102. Ayuunbaa jugeeystaa, Abwaan jadadna sheegtaaye
103. Hayeeshee waxbaa jiidayee, jalaq markeey keento
104. Oo uu jabadki tago wiilashoo, jarro ciyaaraayo
105. Ama uu juqeeyoo, markaas lagula soo jeesto
106. Jimo buur in uu maalintaa jala,, istaagaayo
107. Oo uu juuqda gabi ooy halkaas, jaci ka raaceeyso
108. Adba waad ujeedaa haddaad jaakiraa tahaye





109. Afartaasi jiinkaan bartiyo, Jabalo fuulkkay dheh
110. Jarras kuu dhawaaqiyo, dareen jirririceeyaa dheh
111. Jowharad iftiintoo indhaha jiidatoo, wacan dheh
112. Jaafjaafle waxu keenin iyo jiif ku qorihii dheh




113. Afar kalane jaallow waraaq joogto oo furan dheh
114. Jameeciyo asxaabtiyo intii jiinka,iyo woowga
115. Illa jiibinaysaan farriin ugu, jaraayaaye
116. Joojiyay murtida waayo aan soo jumlayn jiraye
117. Jarmaadiyo waxii aan habeen, jagac ka siinaayay
118. Oon jiifto soo dirahayaan, jamacinaayaaye
119. Jimca gaadna waan noqon, sidii jilib culeyseede
120. Jaaw gacalayaloow in badan waysla jiibinaye!

By: Dr. Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

Mowduucyo dheeraad ah

 

Mowduucii hore : Gabay (Jeestiyo Waraaq)     -||-     Ka soo jeeda:     -||-     Qoraaga: Saciid Muuse (ustaadka)

Horumarkaynu waa adoo ra'yigaaga feesbuuk noogu sheega


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 2 )
Saciid Muuse (ustaadka)
Nambarka Xubinka : 1002
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Mar 2014
Wadanka :
ka qayb galka : 26
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 10
Sumcada Xubinka : Saciid Muuse (ustaadka) Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Saciid Muuse (ustaadka)

   

Fulin la'aan Jawaabta: Gabay (Jeestiyo Waraaq)

Waxaa la qoray : [ 31-12-2014 ]


Riix aykoonka jawaab ku dar ee korka qoraalka ku xusan si'aad u awooddo shididda iyo adeegsiga jawaab celineed.


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 3 )
Afrikaan
Xubin sare
Sawirrada summadaysan Afrikaan
Nambarka Xubinka : 24
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Mar 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 370
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 23
Sumcada Xubinka : Afrikaan Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Afrikaan

   

Fulin la'aan Jawaabta: Gabay (Jeestiyo Waraaq)

Waxaa la qoray : [ 31-12-2014 ]


Abwaan ilaahay ha ku barakeeyo. Runtii waa murti waxaanan ku leeyahay intaanan kuu mahad naqin ilaah baa mahadda lehe ilaahay kuwuu u denbi dhaafo allaha naga dhigo. Waanad ku mahadsantahay gabaygan sagootiska ah.

Saxiixa : Afrikaan

Ilaahay Ha barakeeyo Afrika

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
Jawaab naq

Qalabka mowduuca
Noocyada muujinta mowduuc

Talooyinka ka qayb qaadashada
Ma hal abuuri kartid Mowduuc cusub.
Waad ka jawaabi kartaa Mowduucyada
Ma raacin kartid faylkan lammaane
Ma'awooddi inaad ka qayb galkaagii wax ka beddesho

BB code is waa la heli karaa
Ilka caddaymaha waa la heli karaa
Kowdka [IMG] waa la heli karaa
Kowd-ka HTML Taagan

Ka gudbid dhakhso ah.

Faallada Feesbuuk oo uu tarjumay - Hoyga Aqoonta

Saacaddu hadda waa 04:52 AM.


Powered by vBulletin® Copyright ©2000 - 2017, Jelsoft Enterprises Ltd. Waxaa tarjumay Faysal.Saacid.Shire
Qoraalka qofka soo bandhigay ayaa ka mas'uul ah, ee goluhu shaqo kuma leh. Xuquuqda waxaa iska leh Hoyga Aqoonta Barnaamijcom