Ku noqo   Hoyga Aqoonta >
Hoyga Murtida
> Maahmaahyo

Maahmaahyo Murtida qaybeheeda kala duwan baa halkan lagu bandhigaya.

Jawaab naq
 
Qalabka mowduuca Noocyada muujinta mowduuc
KAqayb Galka : ( 1 )
 
Udige

Ma joogo/joogto hadda Udige

       
Nambarka Xubinka : 994
Taariikhduu xubinku is qoray golaha: Jan 2014
Wadanka : Yurub oo lagu ba,ay
ka qayb galka: 38
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 10
Sumcada Xubinka : Udige Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka:
Fulin la'aan Maahmaahyada labaleyda

Waxaa la qoray : [ 28-03-2014 ]


waxaan idinku salaamayaa sida caadada noo ahba salaanteenna qaaligaa ee islaamka


ee bal salaamu caleykum dhammaan aqoonyahannadaan hoyga ka qeyb qaatow.

Maahmaahyada labaleyda


Maahmaahyada Soomaaliyeedi waa kuwa aad iyo aad u tiro badan una xikmad badan

laakiin haddaynu nahay dadka afkaa ku hadlaa ma diiwaan gelinno oo dubaaqaynu ku

haynaa wax walba taasina ma fiicna.

Marka aniga waxaa layga yaqaan wixii murti ku saabsan oo aan gacanta ku dhigo inaan soo bandhigo

si dadka aan aqooni uga helaan internetka gaar ahaan hoygan aqoonta


Haddaba aynu ku bilowno


Labo kaama haraan gardarro garab og buto geeri og.


Labo, labo laguma reebo gar hagar laguma reebo,faqrina faqri laguma reebo.

Labo lalama dego, fulay daandaansi badan iyo bakhayl damac badan.

Labo ma dhergaan, cilmidoon iyo hantidoon

Labo waa ku hor oroddaa, hawo iyo hunguri,labo waa ku hareer oroddaa nasiib iyo nasiib darro,

labana waa ku daba oroddaa gabow iyo geeri.

Labo waa la dhibaa,labana waa la dhowraa, labana waa la dheefiyaa.

Hadday lugaha wax kaa gaaraan waa la dhibaa, labada gacmoodna hadday wax kaa gaaraan waa la dhowraa

labada indhoodna hadday wax kaa gaaraan waa la dheefiyaa.


Rag waa labo, talo keen iyo talo raac (kee tahay?)


Waxaa jira labo nolosha ku fiican, labo geerida ku fiican, labo socodka ku fiican iyo

labo fadhiga ku fiican.

Labo nolosha ku fiican waa saqay iyo sac madi ah.
Labo geerida ku fiican waa baqay iyo baqayl.
Labo socodka ku fiican waa diin iyo daruur.
Labada fadhiga ku fiicanna waa dumar iyo dab.


Waxaan idiinka soo xulay buugga la dhaho Qaamuuska Maahmaahyada Soomaaliyeed

Waxaan kaa rajeeyaa aqoonyahan maahmaahyada Soomaalidu ku maahmaahdo laguma soo koobi

karo buug iyo labo ee talo ahaan iska soo qor tii aad xasuusatoba.

Salaama.

Mowduucyo dheeraad ah

 

Mowduucii hore : Maahmaahyada labaleyda     -||-     Ka soo jeeda:     -||-     Qoraaga: Udige

Horumarkaynu waa adoo ra'yigaaga feesbuuk noogu sheega


Saxiixa : Udige

Cimri tagay ceeb laguma sagootiyo

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 2 )
Halyeyga Afrika
Sawirrada summadaysan Halyeyga Afrika
Nambarka Xubinka : 2
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Feb 2011
Wadanka : Qaaradda Afrika
ka qayb galka : 439
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 16
Sumcada Xubinka : Halyeyga Afrika Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Halyeyga Afrika

   

Fulin la'aan Jawaabta: Maahmaahyada labaleyda

Waxaa la qoray : [ 28-03-2014 ]


Labo nolosha ku fiican waa saqay iyo sac madi ah.
Labo geerida ku fiican waa baqay iyo baqayl.
Labo socodka ku fiican waa diin iyo daruur.
Labada fadhiga ku fiicanna waa dumar iyo dab.


Labadan waan ku haystaa waanan kaaga mahad celin run ahaantii fikraddaad ku bilowday qoraalkaagan oo aruurinta murtideenna qaaligaa

Saxiixa : Halyeyga Afrika

Aqoon la'aani waa iftiin la'aane





Ogaada Ogaada walaalayaal Ogaada.


ALLAHA U NAXARIISTO INTA CILMIGA CISEYSA

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 3 )
Udige
Nambarka Xubinka : 994
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Jan 2014
Wadanka : Yurub oo lagu ba,ay
ka qayb galka : 38
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 10
Sumcada Xubinka : Udige Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Udige

   

Fulin la'aan Jawaabta: Maahmaahyada labaleyda

Waxaa la qoray : [ 28-03-2014 ]


Waa kumahadsantahay halyeyga afrika jawaabta degdeggaa waxaan sugaana waa aaraada kale


Saxiixa : Udige

Cimri tagay ceeb laguma sagootiyo

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 4 )
kibirley
Xubin Fir-Fircoon
Sawirrada summadaysan kibirley
Nambarka Xubinka : 45
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Apr 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 207
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 23
Sumcada Xubinka : kibirley Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda kibirley

   

Fulin la'aan Jawaabta: Maahmaahyada labaleyda

Waxaa la qoray : [ 29-03-2014 ]


Maashaa alaah maahmaahyadaan qaarkood mamaqlin weligey waad iifaa iidaysaye mahadsanid

Saxiixa : kibirley

Ilaahow wixii afkayga ku hadla Cisee (Adaa Casiis ahe)

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 5 )
xuseen
Xubin Fir-Fircoon
Sawirrada summadaysan xuseen
Nambarka Xubinka : 30
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Apr 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 266
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 23
Sumcada Xubinka : xuseen Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda xuseen

   

Fulin la'aan Jawaabta: Maahmaahyada labaleyda

Waxaa la qoray : [ 29-03-2014 ]


Udige waxaan kugu tilmaamo ma'aqaane ee marka hore mahadsanid mar labaadna ku mahadsanid xikmadahaan aad soo bandhigtay

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 6 )
Amiin
Sawirrada summadaysan Amiin
Nambarka Xubinka : 190
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Jul 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 300
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 23
Sumcada Xubinka : Amiin Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Amiin

   

Fulin la'aan Jawaabta: Maahmaahyada labaleyda

Waxaa la qoray : [ 29-03-2014 ]


Qoraal haddaan ka helo waan qiimeeyaa labaleydaanna qiimaha ugu sarreeyay iga mudanyihiine mahadsanid.

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
Jawaab naq

Kilmadaha la'isla ogyahay (Tags)
bakhayl, baqay, cilmidoon, daandaansi, damac, darro, dheefiyaa, dhergaan, dhibaa, dhowraa, faqrina, fulay, gabow, geeri, hagar, hantidoon, hawo, hunguri, laguma, madi, nasiib, oroddaa, reebo, sac, saqay
Qalabka mowduuca
Noocyada muujinta mowduuc

Talooyinka ka qayb qaadashada
Ma hal abuuri kartid Mowduuc cusub.
Waad ka jawaabi kartaa Mowduucyada
Ma raacin kartid faylkan lammaane
Ma'awooddi inaad ka qayb galkaagii wax ka beddesho

BB code is waa la heli karaa
Ilka caddaymaha waa la heli karaa
Kowdka [IMG] waa la heli karaa
Kowd-ka HTML Taagan

Ka gudbid dhakhso ah.

Mowduucyada isu eg
Mowduuc Qoraaga mowduucan Golaha Ka qayb-gallo Ka qaybgalkii u danbeeyey
Maahmaahyada Afrikaan Maahmaahyo 1 23-03-2011 08:00 PM

Faallada Feesbuuk oo uu tarjumay - Hoyga Aqoonta

Saacaddu hadda waa 04:44 AM.


Powered by vBulletin® Copyright ©2000 - 2017, Jelsoft Enterprises Ltd. Waxaa tarjumay Faysal.Saacid.Shire
Qoraalka qofka soo bandhigay ayaa ka mas'uul ah, ee goluhu shaqo kuma leh. Xuquuqda waxaa iska leh Hoyga Aqoonta Barnaamijcom