Ku noqo   Hoyga Aqoonta >
Hoyga Murtida
> Sheekooyinka

Sheekooyinka Waxaad ku soo bandhigi kartaan sheekooyinka noocyadeeda kala duwan.

Jawaab naq
 
Qalabka mowduuca Noocyada muujinta mowduuc
KAqayb Galka : ( 1 )
 
Udige

Ma joogo/joogto hadda Udige

       
Nambarka Xubinka : 994
Taariikhduu xubinku is qoray golaha: Jan 2014
Wadanka : Yurub oo lagu ba,ay
ka qayb galka: 38
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 10
Sumcada Xubinka : Udige Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka:
Fulin la'aan Ha dhayalsan

Waxaa la qoray : [ 15-03-2014 ]


Salaamu Calaykum

Iga hanta sheekadan cusub een idiin xanbaarsanahay.

Ha dhayalsan!


Goobtu waa timo jare ku yaalla carriga ingiriiska iyo Landhan.


Tima jaruhu waa cusubyahay oo dhawaanahan ayaa la furay.

Waxaa ka howl gala wiil isagu degey dalkan una dhashay dalka Yemen oo uga soo

baxay dugsiga sare xirfadda tima jarista.

Badanaa macaamiishiisu waa dadka uu aqoonta u leeyahay iyo deriska oo markaa

uu u bandhigay si'ay uga jartaan intuu suuq ka yeelanayo.

Isagoo maalin maalmaha ka mida howshiisii siday tahay u gudanaya oo howl ku guda jira

ayaa islaan waayeel ahi soo gashay. Markay indha indhaysayna kuraasta bannaan ayay

dhinac ka degtay si markuu howsha dhammaysto ula hadasho iyadoo aragtay inaysan cid

kale joogin. Wuxuu howshiisii wato wuxuu u noqday firaaqo markaana weydiiyey waxa uu

u qaban karo.

Markaasay inta istaagtay "Waxa kale kuuma sugayn ee waxaan rabaa inaad qoraalkan hagaajiso".

Isagoo yaabban ayuu weydiyey "Qoraalkee?".

"Muraayaddaada qoraalka ku qoran!".


Iyadoo farta ugu fiiqaysa muraayadda dukaanka.

"Maxaa dhacay?" Ayay ahayd su'aashii ugu xigtay ee afkiisa ka soo baxday isagoo yaabban.

Waxay ugu jawaabtay waxaa muraayadda kuugu qoran "Barbar shop marka eraygu wuu qaldanyahaye sax".

Inta dhinac uga dhaqaaqay ayuu qoraalkii dib ugu noqday wax qaladana kuma arag, markaasuu inta ku

soo jeestay weydiiyey "Maxaa qaldan sax baan u'arkaaye?".

Markaasay ugu jawaabtay "Barbar sidaa looma qoro ee waa Barber".

Inta dhoolla caddeeyey buu haddana weydiiyey "Maxaa dhiba oo ku jira waa "A iyo E'e"?".

Intaa markay afkiisa ka soo baxday ayay is beddeshay oo wejigeedu xanaaq ka muuqday oo ku

tiri "Haddaad beddeli weydo waan ku dacwayn oo maxkamad baan kula koriye la soco!".

"Ma'intaasaad igu dacwayn?" Ayuu weydiiyey isaga oo yaabban.

"Haa!".

"Oo sabab?". ayuu haddana weydiiyey isaga oo dhoolla caddaynaya yaabbanna.

"Maanta haddaan kugu daayo a'daas aad beddeshay berri mid kalaa imaanaya oo beddelaya wax kale

markaana afkayagu wuu lumayaa qoraalkiisu marka sida ugu dhakhsaha badan u beddel, haddii

kale waa inoo maxkamaddee ha'illaawin".



Ula jeeddada aan ka leeyahay qoraalkani waa qaddarinta uu qof walbaa siiyo afkiisa iyo xaqa uu

ka mudanyahay. Ee haddaba su'aashu waa "Ma tahay qof qoraalka afkiisa qaddariya oo daryeela?".


"Ma tahay qof isku daya inuu Soomaali saxa qoro xataa hadduu lahjadda gobolkiisa ku qorayo?".

Salaama

Mowduucyo dheeraad ah

 

Mowduucii hore : Ha dhayalsan     -||-     Ka soo jeeda:     -||-     Qoraaga: Udige

Horumarkaynu waa adoo ra'yigaaga feesbuuk noogu sheega


Saxiixa : Udige

Cimri tagay ceeb laguma sagootiyo

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 2 )
Halyeyga Afrika
Sawirrada summadaysan Halyeyga Afrika
Nambarka Xubinka : 2
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Feb 2011
Wadanka : Qaaradda Afrika
ka qayb galka : 439
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 16
Sumcada Xubinka : Halyeyga Afrika Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Halyeyga Afrika

   

Fulin la'aan Jawaabta: Ha dhayalsan

Waxaa la qoray : [ 15-03-2014 ]


Udige ku mahadsanid sheekadan haddana labo qof baannu haynaa ka mas'uula afka Soomaaliga sida loo qoro adiga iyi Samiira.

Saxiixa : Halyeyga Afrika

Aqoon la'aani waa iftiin la'aane





Ogaada Ogaada walaalayaal Ogaada.


ALLAHA U NAXARIISTO INTA CILMIGA CISEYSA

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 3 )
xuseen
Xubin Fir-Fircoon
Sawirrada summadaysan xuseen
Nambarka Xubinka : 30
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Apr 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 266
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 23
Sumcada Xubinka : xuseen Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda xuseen

   

Fulin la'aan Jawaabta: Ha dhayalsan

Waxaa la qoray : [ 16-03-2014 ]


Waa runtaa mudane wixii la dhayalsadaa dhibkeeday leedahay waa sheeko si qurux badan aad u qortaye ku mahadsanid.

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 4 )
samiira
Xubin Fir-Fircoon
Sawirrada summadaysan samiira
Nambarka Xubinka : 9
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Feb 2011
Wadanka : Lagama maarmaanku waa dalka Hooyo
ka qayb galka : 160
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 20
Sumcada Xubinka : samiira Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda samiira

   

Fulin la'aan Jawaabta: Ha dhayalsan

Waxaa la qoray : [ 17-03-2014 ]


Waad ku mahadsantahay ka fikrad ahaan iyo wax tusidba. Waxaan sidaadoo kale rajaynayaa dhammaanteenba inaan sidaas oo kale u daryeelno afka. Adiguna dhab ahaantii horumar xad dheer leh baad samaysay dhanka qoraalka inshaa'allaah waa lagugu dayan.Mahadsanid akhi


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
Jawaab naq

Kilmadaha la'isla ogyahay (Tags)
carriga, cusubyahay, dalkan, degey, dhashay, dhawaanahan, furay, gala, goobtu, hanta, howl, ingiriiska, isagu, jare, jarista, jaruhu, macaamiishiisu, sheekadan, tima, timo, wiil, xanbaarsanahay, xirfadda, yaalla, yemen

Qalabka mowduuca
Noocyada muujinta mowduuc

Talooyinka ka qayb qaadashada
Ma hal abuuri kartid Mowduuc cusub.
Waad ka jawaabi kartaa Mowduucyada
Ma raacin kartid faylkan lammaane
Ma'awooddi inaad ka qayb galkaagii wax ka beddesho

BB code is waa la heli karaa
Ilka caddaymaha waa la heli karaa
Kowdka [IMG] waa la heli karaa
Kowd-ka HTML Taagan

Ka gudbid dhakhso ah.

Faallada Feesbuuk oo uu tarjumay - Hoyga Aqoonta

Saacaddu hadda waa 04:50 AM.


Powered by vBulletin® Copyright ©2000 - 2017, Jelsoft Enterprises Ltd. Waxaa tarjumay Faysal.Saacid.Shire
Qoraalka qofka soo bandhigay ayaa ka mas'uul ah, ee goluhu shaqo kuma leh. Xuquuqda waxaa iska leh Hoyga Aqoonta Barnaamijcom