Ku noqo   Hoyga Aqoonta >
Aqalka Aqoonta Guud
> Aqoonta Guud

Aqoonta Guud Halkan waxaad ka helaysaa aqoon guud oo ku saabsan sida ugu sahlan ee aad golahan ugaga faa'iidaysan lahayd iyo wixii kale ee aan golaha lagu darin illaa hadda.

Jawaab naq
 
Qalabka mowduuca Noocyada muujinta mowduuc
KAqayb Galka : ( 1 )
Sawirrada summadaysan xuseen
 
xuseen
Xubin Fir-Fircoon

Ma joogo/joogto hadda xuseen

       
Nambarka Xubinka : 30
Taariikhduu xubinku is qoray golaha: Apr 2011
Wadanka :
ka qayb galka: 265
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 23
Sumcada Xubinka : xuseen Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka:
Fulin la'aan Qoridda Afka Soomaaliga

Waxaa la qoray : [ 29-04-2011 ]


Salaamu Calaykum

Qoridda Af Soomaaliga.

Dadka Soomaaliyeedi waa dad
kala lahjad ah ama kala dhawaaq
ah markay Soomaaliga ku hadlayaan.
Waxaase laga simanyahay qoraalka
iyo sida uu qofku u qorayo,halkanna
kaga hadli mayno sida saxda ah ama
qaladka ah ee qoraalka ayaynu isla toosin.
Waxaa jirta xarafyo dadku isku
dhejiyo iyadoon isku dhagganayn iyo
shibbanaha oo mid laga dhigo markuu
labada yahay.
Taasna dadka afkooda daneeyaa
wuu ka diriraa kana gubtaa
oo qasab buu kuugu saxayaa.
Innagu haddaynu maanta qalad
ku wadno afku lahjad ma'ahaanayo
aynu ku muranno ee marka danbe
wuxuu noqon mid ubadka danbe
qoraalka xataa ku diriro.
Maashaa'allaah dhallin-yarada
Soomaaliyeed waa dhallin jecel
aqoonta balse aad mooddo inay caajis
ay ka tahay ama daryeel la'aan.
Uguma horrayno dadka luqadaha
kala duwan ee adduunka barta ee
waxaynu nahay dadkii ugu danbeeyey
intaana waynu isku daynaa inaynu
afka baranno ku hadalkiisa ama
qoraalkiisa.
Haddaba tijaabo yar aan kaa siiyo
akhristaha sharafta mudanow.
Ka soo qaad waxaad joogtaa dalalka
Ingiriisiga ku hadla adiga oo wax
qoraya ayaad u qortay kilmadda
(Cook) sidan (cuk) Ma kula tahay
in qof dalkaas u dhashay inuusan
kuu saxayn,ama xanaaq ama ha xanaaqin.
Taasna kama aha daryeel uu ku daryeelayo
balse,waa inuu afkiisa ilaashado sida
loo qoro wuuna kugu qasbayaa.
Waa yahay waxaynu ka hadlaynaa waa
sixidda qoraalkaaga gobolkaad doonto
u dhalo sidaad doontana ugu hadal
afkee ee isku day inaad (Shibbanaha)
labada ah iyo (Shaqalka) labada ah
sidaad ama mid-midka ugu hadlayso u qorto.
Xuruufta Shibbanaha labo laabanta
waa (M,N,G,L,D,B,R) Marka la'isku
daro si'aad u xusuusnaato sidan bay
macallimiintu nagu qabadsiiyeen

(MA NALA GARAAD BAA)

Shaqalkana sida

(A,E,I,O,U) iyo

(AA,EE,II,OO,UU)

Intaa horta ha laga adkaado oo ha la
saaro danaynta iskuna day inaad
mar walba si saxan u qorto.

Tan kale kilmado waxaa jira Af-Soomaaliga
tarraxa ama haddaysan ku jirin ay
tahay mid beddelmaysa laguna qaban kilmadda
kale ee ku xigta oo uu u dhexeeyo bannaan.

Sida: (Ma,Ha,ka,Waa,ku)

Marka waxaynu soo qaadanaynaa tusaale
kuu sahlaya akhristahow.

Ma arag,ma maqlin,ma socon,ma raadin iwm.

Ha tagin,ha bixin,ha dhaqaaqin.

ka bax,ka soco,ka tag,iyo wixii la mid ah.

waa kibir,waa malo,waa meel,waa howl iwm.

Ku socota,ku tuur,ku bax,ku furo iwm.

Hadda waxaynu isla eegaynaa xuruufta
labo laabmata ee aynu kor ku soo aragnay.

(M,N,G,L,D,B,R)

Lammaan,looma qori karo (lamaan)
Dhammaad,Ammaan,Ammuuro.Imminka,Iwm.


Hannaan,halkanna,Bannaan,Innaga.Iwm.


Hoggaamin,Boggaad,Xaggee.Iwm


Xilli,Nebiga ku salli,Inshaa'allaah,iwm.


qaaddo,Hadda,Adduun,Caddays.Iwm.


Cabbaar,Abbaar,Labbis,Cabbir.Iwm



sharrax,sawirro,Arrimo,Xarrago.Iwm.

Tan kale ee afka Soomaaliga dilaya
ee ugu weyni waa (Shaqalka dheer) oo aan
siduu yahay loo adeegsan oo dadku
iska dhago tiro ama howl fududays
ka tahay,taasina waxay keenaysaa
jiilba jiil inuu ku daydo oo hadda waxaynu
isku haynaa gobolkaasaa afkiisu yahay
sax iyo gobolkaasaa Soomaaligu ka soo
jeedaaye in hadhow ay timaaddo aabbahay
ama hooyaday sidanay iigu sheegtay
oo sax ah. Marka si looga hor tago
dhibtaas soo socota isku day inaad
isa saxdid qeerkaana u toosisid qoraalka
si'aad ubadkaaga u toosiso uguna saxdo.

(Aa,Ee,Ii,Oo,Uu) Markaad meeshay leedahay
geliso ma wax baa kaa ba'aya? Waa maya
Laakiin isku day waa maalmo.

Magaalo (Magalo) Faarax(Farax).

Labadaas aynu tusaalaha u soo qaadannay
marka aad caadaysato inaad qalad ku socoto
sidee u akhriyi.
(Ma-galo) saasaa loo akhriyikaraa
haddii la siiyo qof walba ikhtiyaarka.

(Guriga Magalo)
(godka Magalo)

Marka waxaa lumay macnihii loola jeeday
oo ahaa (Magaalo).

Faarax (Farax) Hadduu iimeel ku samaysto
adna iimeel kaaga yimaado adoo doob ah
markaba waxaa madaxaaga ku soo dhacaya
qof dumar ah.kkkk.

Meel (Mel) tilmaan haddaad intaa qof
u qorto wuxuu u qaadan inaad ula jeeddo
Iimeel ama ku wax ku saabsan.

Ciil (cil) ma jeclaan lahayd inaan kuugu
soo qoro warqad (Cil ban ku qaba).

Koob (Kob) Labada kilmadoodi midba Afka
macno gooni ah bay ku leedahay.Halkaas
dhibaato ayaa ka'imaan karta.

Luul (Lul) Luulna waa luulka,lulna waa
ruxe keebaad ku qaadan qoraalka oo kuu
habboon?.


Waxaa jira hakadka oo dheeraad ku ah afka
Soomaaliga.Sida.

Si'aad,ka'imaan,u'orod.

Wixii dhuunta ku istaajiya waa hakade la
soco.


Hadal iyo dhammaantii.
Intaadan kilmadda qorin u fiirso,oo is
barbar dhig sidaad ugu hadlayso iyo sidaad
u qorayso.Shibbanaha labo laabmaa carrabkay
ku dhegaysaa,sidanna ugu qaybi.

Car-rab,dham-maad,Goog-gaa,am-maan,cab-bid,
An-naga,Wal-laahi.

Sidaas markad u fiirsato waxaad noqotay
qof afka Soomaaliga ku dheereeya.
Ayaamaha ugu horreeya waa laga yaabaa inuu
ku dhibo balse, waad la qabsan.

Iska ilaali caajiska iyo u fiirsi la'aanta
berri waa laga yaabaa inaad noqoto qoraaye!

Waxaan idiin rajayn Daryeelid dheeraad ah
inaad siisaan qoraalka Afkeenna Macaan.

Mahadsanid akhristaha sharafta mudanow.

Mowduucyo dheeraad ah

 

Mowduucii hore : Qoridda Afka Soomaaliga     -||-     Ka soo jeeda:     -||-     Qoraaga: xuseen

Horumarkaynu waa adoo ra'yigaaga feesbuuk noogu sheega


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 2 )
kibirley
Xubin Fir-Fircoon
Sawirrada summadaysan kibirley
Nambarka Xubinka : 45
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Apr 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 207
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 23
Sumcada Xubinka : kibirley Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda kibirley

   

Fulin la'aan Naq Qoridda Afka Soomaaliga

Waxaa la qoray : [ 30-04-2011 ]


Runtii aniga iga caajis bay iga ahayd
laakiin maanta laga bilaabo u noqon mayo.
kkkk. Mahadsanid Xuseen waa howl muhim u ah soomaalida


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
Jawaab naq
Qalabka mowduuca
Noocyada muujinta mowduuc

Talooyinka ka qayb qaadashada
Ma hal abuuri kartid Mowduuc cusub.
Waad ka jawaabi kartaa Mowduucyada
Ma raacin kartid faylkan lammaane
Ma'awooddi inaad ka qayb galkaagii wax ka beddesho

BB code is waa la heli karaa
Ilka caddaymaha waa la heli karaa
Kowdka [IMG] waa la heli karaa
Kowd-ka HTML Taagan

Ka gudbid dhakhso ah.

Mowduucyada isu eg
Mowduuc Qoraaga mowduucan Golaha Ka qayb-gallo Ka qaybgalkii u danbeeyey
Afka Windowska beddel foormaat la'aan Afrikaan Kumbiyuutarka & Internet-ka 5 04-05-2013 02:04 PM
Magacaada ku dhageeso afka shinbiraha!!! Maxammed Xamza Aqoonta Guud 7 12-04-2012 02:38 PM
Maahmaahyada Afka Afrikaan Maahmaahyo 0 14-05-2011 11:14 PM

Faallada Feesbuuk oo uu tarjumay - Hoyga Aqoonta

Saacaddu hadda waa 11:52 AM.


Powered by vBulletin® Copyright ©2000 - 2017, Jelsoft Enterprises Ltd. Waxaa tarjumay Faysal.Saacid.Shire
Qoraalka qofka soo bandhigay ayaa ka mas'uul ah, ee goluhu shaqo kuma leh. Xuquuqda waxaa iska leh Hoyga Aqoonta Barnaamijcom