Ku noqo   Hoyga Aqoonta >
Hoyga Murtida
> Gabayada

Gabayada Gabayada iyo qaybihiisa kala duwan halkan ku soo bandhig ama ka'akhriso.

Jawaab naq
 
Qalabka mowduuca Noocyada muujinta mowduuc
KAqayb Galka : ( 1 )
 
Hassan hashi
Xubin Fir-Fircoon

Ma joogo/joogto hadda Hassan hashi

       
Nambarka Xubinka : 261
Taariikhduu xubinku is qoray golaha: Sep 2011
Wadanka : Jijiga
ka qayb galka: 131
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 30
Sumcada Xubinka : Hassan hashi Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka:
Fulin la'aan Gallaydh

Waxaa la qoray : [ 16-12-2011 ]


Asc dhamaan akhristayaasha iyo xubnaha hoyga aqoonta, in badan oo aad ka aragteen gabayadayda, dalka bay u badnaayeen baan filayaa iyo nabad doone, bal maanta waa gabaygii gallaydh ee aan tahniyad iyo hambalyo ahaan ugu diray walaalkay shaafici Cabdullaahi xaashi iyo marwo Faisa Abdi shire oo ku aqal galay magaalada bosaso 12-12-2011, inkastooonan joogin xafladda oo aan kala meel ku noolnahay hadana gallaydh baan u sii dhiibay warkayga iyo hanbalyadayda.

********Gallaydh****************


gabay maanso guuroow ibtilo amase geeraarba

indha waydba gacalow ka tagay gabagabayntiiye

galoof ololka niman baa yaqaan gebi dhac joogtaaye

ninna waa abwaan guuna iyo gole ka tuurkaase



maandhoow gedaha gabaygu waa lama galaan hawde

gudmo iyo jid buu leeyihiyo gudimo uu haysto

shaqal go'an ayuu leeyihiyo alammo soo gooya

bal dhagaysta gabaygaygu waa gu' iyo dayrtaase



Gacalkiyo xigaalkiyo bulshada gegida ii dhooban

guurtida duqaydiyo hablaha gedefsanee jooga

barbaar golaha soo tiigsatiyo gebi raggaan buuxa

gabadhiyo caruuskeeda iyo gebi malxiiskooda

bal gudooma shacabyahow salaan gaaxsan abidkeedba

*****



anigoo gayiga xeebta iyo gubanba aan joogin

anigoo gu'yaal badan tacliin gudasho eegaayay

anigoo galbeed iyo ku nool goondar dhinaceeda

ayuunbaan baan galbinayaa aroos gacal walaalkay'e

inkastoonan goobtiyo imaan gegida boosaaso

gallaydh baan u soo dhiibayaa gabayadaydiiye

goortiyo ayaankuu dushaa idinka soo gaadho

gaafkiyo wuxuu imanayaa guriga reerkaase

garbihiyo ka gala dhinaca oo gogol sharfeed siiya

*****


afartaasi gabay arar leh iyo gole ka tuurkii dheh

gelbin gacal is doortiyo abwaan gabayadiisii dheh

onkod soo gariiriyo hillaac galalacdiisii dheh

dayaxoo gayiga nuurshay iyo golis agteedii dheh

gobolkii xiriiroo dhirtii gamashtay xaalkii dheh

dhahar goonyaheedoo murtida gaaxin abidkeed dheh



guri taagmay waa loo goglaa gacal is doortaaye

haddii guulle reer kuu dhisay oo guriga kuu taagay

gu'yaal badan midaad raadisee dumar ka goobaysay

garabkaaga inantaad rabtiyo gacalo kuu keenay

Alxamdulilah guullow adaa noo gargaar badane




gabaryahay waxaad tahay hablaha tii guddoon wacane

guri bila ayaad tahay midaan goorxun soconayne

gaadiid ayaad tahay adduun garasho weeyaane

gobaad iyo waxaad tahay haween tii garaad badane

dumar gaaridiisiyo waxaad tahay garaarleeye

gallad baad u keentaa ninkaaad guri la joogtaaye

gurigaaga waa lagu hirtaa goor iyo ayaane

gedii hooyadaa baad tihiyo gacal adoogaaye

waxaad tahay gammaan farasa iyo inan gobeeddiiye



geesiyo waxaad heshay halyeey ina garaadkiiya

shaafici galmaaxdaad heshooo guulle mahadiise

kaa diinta garanayaa oo guurti gadalkeed le

oo aad geddiisiyo taqaan gebi dhamaantiisa

haddii calafku kuu geeyey oo kuba guddoonsiiyey

Alxamdulilah guullow adaa noo gargaar badane



afartaasi gabay arar leh iyo gole ka tuurkii dheh

gelbin gacal is doortiyo abwaan gabaydiisii dheh

onkod soo gariiriyo hillaac galalacdiisii dheh

dayaxoo gayiga nuurshay iyo golis agteedii dheh

gobolkii xiriiroo dhirtii gamashtay xaalkii dheh

dhahar goonyaheedoo murtida gaaxin abidkeed dheh



Guulloow Allahayoow adaa gaaxiya cirkaane

gurigooda nabad iyo ka yeel guluf midaan yeelan

gabdho edebleh gini iyo malyuun amase guuleedba

gacaytiyo garaad wiil noqdiyo geesi inankii ah

guddoomiye xilqaadiyo diktoor Eebe garanayaa

awlaad gar qaadiyo ku curo gabanno khayr yeesha


Aamiin ......aamiin.......... aamiin

Mowduucyo dheeraad ah

 

Mowduucii hore : Gallaydh     -||-     Ka soo jeeda:     -||-     Qoraaga: Hassan hashi

Horumarkaynu waa adoo ra'yigaaga feesbuuk noogu sheega


Saxiixa : Hassan hashi

Nabsigu kaa weecan maayo!
Qalbigu kuu wiiqmi maayo
!

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 2 )
Afrikaan
Xubin sare
Sawirrada summadaysan Afrikaan
Nambarka Xubinka : 24
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Mar 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 370
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 23
Sumcada Xubinka : Afrikaan Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Afrikaan

   

Fulin la'aan Jawaabta: Gallaydh

Waxaa la qoray : [ 16-12-2011 ]


guri taagmay waa loo goglaa gacal is doortaaye

haddii guulle reer kuu dhisay oo guriga kuu taagay

gu'yaal badan midaad raadisee dumar ka goobaysay

garabkaaga inantaad rabtiyo gacalo kuu keenay

Alxamdulilah guullow adaa noo gargaar badane


Runtii waad ku fara yaraysatay gabaygan Abwaan Xasan..... Hadda ka bacdina qofkaan arko oo aroos ah oo aan jeclahay ama saaxiibbo nahay inaan u diro igu duub oo gallayr ugu dhiibo. Mahadsanid Abwaan waa gabay Cajiib ahe wuxuuna iga mudan+yahay maadaama aan ahay qofkii ugu horreeyey ee akhriya qiimayn ah tan ugu sarraysa..

Saxiixa : Afrikaan

Ilaahay Ha barakeeyo Afrika

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 3 )
ruunyarey
Xubin Fir-Fircoon
Sawirrada summadaysan ruunyarey
Nambarka Xubinka : 194
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Jul 2011
Wadanka : Adduunka
ka qayb galka : 210
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 10
Sumcada Xubinka : ruunyarey Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda ruunyarey

   

Fulin la'aan Jawaabta: Gallaydh

Waxaa la qoray : [ 16-12-2011 ]


Gabay iga dheh

Abwaan iga dheh

Gole iga dheh

Aroos loo farxo allaha ka dhigo.

Runtii gabaygan waxaan jeclaan lahaa in gabadhaas ammaanta mudan lala socodsiiyo oo loogu diro iimeel.maashaa allah abwaan mahadsanid.


Saxiixa : ruunyarey

Adduun waa aqoon & qalinkoo aad hayso
iyo maraad jalaato qabow cunayso

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 4 )
abwn: cabdi rabbi caaqil
Sawirrada summadaysan abwn: cabdi rabbi caaqil
Nambarka Xubinka : 83
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : May 2011
Wadanka : kenya
ka qayb galka : 176
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 30
Sumcada Xubinka : abwn: cabdi rabbi caaqil Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda abwn: cabdi rabbi caaqil

   

Fulin la'aan Jawaabta: Gallaydh

Waxaa la qoray : [ 16-12-2011 ]


Abwaan gaaxsan oo diray gallaydh yidhi fariin geeeee

Guri negi gaaf iyo aroos
gacal uxiiskiis

Gabay wacan gudoome e alloow gallad arooskooda..............aaamiin aamiin

Waad u godlatay abwaan arooskaane
Armuu galaydhkii waraaqda lumiyaaaa heeeee??????
Kkkkkk
Waa gabay cajiiba arooskaygana mid baan kaa rabaa waan ka masayraye !!!!


Saxiixa : abwn: cabdi rabbi caaqil

Tuuji maskaxdaada
Tijaabi aqoontaada
Tilmaan shacabkaaga
Toosi nafsaddaada
Tamartaada ilaahay uga baq
waa talo abwaan

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 5 )
Halyeyga Afrika
Sawirrada summadaysan Halyeyga Afrika
Nambarka Xubinka : 2
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Feb 2011
Wadanka : Qaaradda Afrika
ka qayb galka : 439
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 16
Sumcada Xubinka : Halyeyga Afrika Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Halyeyga Afrika

   

Fulin la'aan Jawaabta: Gallaydh

Waxaa la qoray : [ 16-12-2011 ]


Hoyga Aqoonta maadaama aan ka'ahay tafaftire waxaan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa halkan
Shaafici Cabdullaahi Xaashi iyo Faysa Abdi Shire
Ilaahayna waxaannu ka baryaynaa inuu guurkaasi noqdo midkii lagu raayo loona riyaaqo Wiil iyo Caano. Adiguna waxaad mudantahay Abwaan mahadnaq. Mahadsanid.

Saxiixa : Halyeyga Afrika

Aqoon la'aani waa iftiin la'aane





Ogaada Ogaada walaalayaal Ogaada.


ALLAHA U NAXARIISTO INTA CILMIGA CISEYSA

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 6 )
Guuleed
Xubin Fir-Fircoon
Nambarka Xubinka : 186
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Jul 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 166
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 10
Sumcada Xubinka : Guuleed Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Guuleed

   

Fulin la'aan Jawaabta: Gallaydh

Waxaa la qoray : [ 17-12-2011 ]


Abwaan waad ku mahadsantahay anna waan u tahniyadayn arooskaa oo ilaahay waxaan ka baryayaa inuu noqdo mid loo aayo.. abwaan cabdirabi waad iga qoslisey haduu lumiyo sow galayrkaas ugaarsan mayo abwaan xasan oo kuma dhaco inuu lunsho fariintaas.


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 7 )
faysal22
Xubin Fir-Fircoon
Nambarka Xubinka : 201
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Jul 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 165
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 13
Sumcada Xubinka : faysal22 Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda faysal22

   

Fulin la'aan Jawaabta: Gallaydh

Waxaa la qoray : [ 17-12-2011 ]


qofkaan arko oo aroos ah oo aan jeclahay waa inaan iimeel ugu diraa gabaygaan.Aad baad u mahadsantahay abwaan


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 8 )
kibirley
Xubin Fir-Fircoon
Sawirrada summadaysan kibirley
Nambarka Xubinka : 45
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Apr 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 207
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 23
Sumcada Xubinka : kibirley Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda kibirley

   

Fulin la'aan Jawaabta: Gallaydh

Waxaa la qoray : [ 18-12-2011 ]


runtii waan ka helay abwaan aad iyo aad baad u mahadsantahay.


Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 9 )
Rooble
Xubin Fir-Fircoon
Nambarka Xubinka : 4
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Feb 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 168
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 40
Sumcada Xubinka : Rooble Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda Rooble

   

Fulin la'aan Jawaabta: Gallaydh

Waxaa la qoray : [ 18-12-2011 ]


Tahniyaddaasi wa u tagtay abwaan waana mudanyihiin...... Maashaa'allaah abwaan.


Saxiixa : Rooble


"
Rasuulku calayhi salaatu wasalaam
"
wuxuu yiri.

"Sadaqada ugu fiicani waa inuu muslimku wax barto,markaana walaalkiisa muslinka ah baro"


Maylku tallaabuu ka bilowdaa (Maahmaah shiinays ah)



Kalgacaylka aad dalkaaga u haysaa, waa iimaanka ka bar.

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
 
 Kaqayb Galka : ( 10 )
xuseen
Xubin Fir-Fircoon
Sawirrada summadaysan xuseen
Nambarka Xubinka : 30
Taariikhduu xubinku is qoray golaha : Apr 2011
Wadanka :
ka qayb galka : 266
Isku cel-celinta qiimaynta heereed : 23
Sumcada Xubinka : xuseen Waddo wuxu hayaa muuqasho leh
Xiriirka :

Ma joogo/joogto hadda xuseen

   

Fulin la'aan Jawaabta: Gallaydh

Waxaa la qoray : [ 18-12-2011 ]


Waannu u tahniyadaynaynaa dhammaantayo gurigaas waxaanan ilaahay uga baryaynaa inuu ka dhigo gurigii lagu nasto wiil iyo caano. Mahadsanid abwaan Xasan waxaad tahay abwaan la yaab lehe allaha caafimaad qab ha kugu simo meeshaad joogtaba
.

Jawaab celin iyo xigasho raacin.
Jawaab naq

Kilmadaha la'isla ogyahay (Tags)
abwaan, amase, asc, dhamaan, gabay, gacalow, galoof, geeraarba, gole, gudmo, guuna, guuroow, ibtilo, jid, joogtaaye, maandhoow, maanso, niman, ninna, ololka

Qalabka mowduuca
Noocyada muujinta mowduuc

Talooyinka ka qayb qaadashada
Ma hal abuuri kartid Mowduuc cusub.
Waad ka jawaabi kartaa Mowduucyada
Ma raacin kartid faylkan lammaane
Ma'awooddi inaad ka qayb galkaagii wax ka beddesho

BB code is waa la heli karaa
Ilka caddaymaha waa la heli karaa
Kowdka [IMG] waa la heli karaa
Kowd-ka HTML Taagan

Ka gudbid dhakhso ah.

Faallada Feesbuuk oo uu tarjumay - Hoyga Aqoonta

Saacaddu hadda waa 06:22 PM.


Powered by vBulletin® Copyright ©2000 - 2017, Jelsoft Enterprises Ltd. Waxaa tarjumay Faysal.Saacid.Shire
Qoraalka qofka soo bandhigay ayaa ka mas'uul ah, ee goluhu shaqo kuma leh. Xuquuqda waxaa iska leh Hoyga Aqoonta Barnaamijcom