Hoyga Aqoonta

Hoyga Aqoonta (http://www.barnaamij.com/vb/index.php)
-   Golaha Barnaamijyada sharraxan (http://www.barnaamij.com/vb/forumdisplay.php?f=4)
-   -   Sharraxa barnaamijka faylasha yareeya (Winrar) (http://www.barnaamij.com/vb/showthread.php?t=21)

Rooble 22-03-2011 05:48 PM

Sharraxa barnaamijka faylasha yareeya (Winrar)
 
Salaamu Calaykum

Sharraxa barnaamijka Winrar

waana barnaamijyada yareeya,qaybiya faylasha waaweyn.

 
Marka hore haddaadan haysan barnaamijkaas kala dag golaha qaybta (hoyga barnaamijyada)

Hadduu kumbiyuutarka kuugu jirana sharraxan horay ula soco.

Marka ugu horraysa waxaynu yaray-naynaa hees,faayl ama barnaamij waxay doonaan ha'ahaadeene.
Inta ugu muhimsan ee danta laga leeyahay baynu sharraxaynaa.
Faylka aad yaraynayso midigta ku dhufo markaa aad (Add to archive )


Intani waa faallo

1 = Khaanaddan ku qor faylka magiciisa.
2 = Dooro habka aad ka dhigayso (Rar) ama (winzip) Rar barnaamijkan baa leh balse Winzip wuu ku shaqayn Winrar-kan

3 = codso habka loo yaraynayo (Cabburinta ) (Best) waa ugu fiicantahay wayse gaabinaysaa waxayna ku xirantahay faylka baaxaddiisa iwm. (Fast) dhakhsuu u dhammayn balse hannaanka kan kore wuu ka liidanayaa.
4 = haddaad doorato faylka waa la tir-tirayaa waxaa kuu soo haraya faylka la yareeyey (cabburiyay). Waxaa fiican inaadan dooran haddii kale la dooro ikhtiyaarka (7-aad)
5 = Ikhtiyaarkan waxaad ugaga faa'iidaysanaysaa kordhinta yaraynta (Cabburinta) faylka eeg ikhtiyaarka (6-aad)
6 = Waxaa fiican in ikhtiyaarkan lala doorto ikhtiyaarka 5-aad, waa haddii aad faylasha ku shubayso Cd-Rom iwm. Waxaadse arki baaxadda ama isagoo intii hore ka weynaaday.
7 = Ikhtiyaarkani waa mid aad loogu baahanyahay gaar ahaan haddaad doorato ikthiyaarka (4-aad) isagoo hubinaya faylka in dhibaato ku timid intii la yaraynayay (Cabburinayey) .Hadday dhibaato ku timaaddo yarayntana kii hore ma tir-tirmayo.
8 = Xiridda kaydka haddaad doorato lama tir-tiri karo lamana hagaajin karo wax dheeraad ahna laguma qori karo.


Kuwan haddaad doorato howshan baa fulaysa. Waana markii sax laga dhigo

1= Yaree barnaamijka oo ag dhig Saacadda inta howshu fulayso.

2- Demi kumbiyuutarka markay howshu dhammaato.
3 = Wuu sugayaa haddii (Winrar) howlo kale yaraynayo (Cabburinayo) ikhtiyaarka
2- bo ma fulayo haddii howl kale uu wado illaa uu ka dhammaynayo.
4 = Kilmad sir kuu ah geli si qof kale uusan u'adeegsan.Tani waxay ku fiicantahay golayaasha marka loo saarayo faylal iwm goobaha faylasha la saarto dadkana ka dhexaysa cidi kaama furan karto illaa laga helo kilmadda sirta ah.



1= Kilmadda sirta geli ee aad rabto tan ka hoosaysana ha'ahaato mid tan sare la mid ah haddii kale wuu diidayaa
2 = Wuxuu ku tusayaa Kilmadda sirta ah ee aad gelisay gaar ahaan bannaanka hore oo keliya.
3 = Qof arki kara maleh kilmadda sirta ah ee aad samaysay illaa uu iyadoo kale geliyo ma'ahane.


Waxaad ku dari kartaa sida magacaaga meesha aad deggantahay iyo ula jeeddooyin dheeraad ah haddaad leedahayba.
Waxayna dhammaan soo baxayaan marka kaydka la furo.



Shaashaddan yar baa kuu soo baxaysa kuu sheegaysa intuu waqti qaadanayo,waana hadba sida faylashu baaxaddoodu tahay.



Qaybinta uruurinta faylasha
marka hore barnaamij weyn baynu hadda ku samaynaynaa tijaabo si'aad kuwa le'eg ama ka weyn aad ugu qaybisid
Waxaynuna ku dhufanaynaa farta midig markaa (Add to Archive)


Hadda waxaynu u qaybinaynaa barnaamijkan sawirrada dhowr qaybood oo aad ku qaadan kartid falaashka iyo cd-yada amaba (flopy) cajaladaha madow ee ahaa noocii hore amaba haddaad saaraysid goobaha wax la saarto. Howshan wuxuu barnaamijku u qaybinayaa sidan oo kale.. Barnaamijka magiciisu waa (Acdsee) wuxuuna ka dhigayaa
Acdsee 1 ,Acdsee 2 iwm.



 
Hadda waxaynu isla eegaynaa in faylasha lagu uruuriyo meel keliya.
Waxaa qasab ah in aad faylasha meel isugu wada geyso sida, gal (Folder) si'aad u fur-furto si fiicanna ay kuugu shaqeeyaan midkoodna midigta ku guji kuu doono ahaadee oo codso (Extract here) Halkan ku bur-buri markaasuu kuu soo baxayaa barnaamijkii siduu ahaa.







Digniin: Fadlan markaad soo ceshanaysid waa inaad tir-tirtaa barnaamijkii hore sababtoo ah waxaad haysataa iyaga oo yar-yar ama Cabbursan.

Hadda waxaynu samaynaynaa barnaamij marka 2 mar la riixo si otomaatik ah u shidmaya baaxaddiisuna ka yartahay kan caadiga ah. Waxaana aad ku qoran kartaa wixii adiga ku cajabiya sida inaad adigu samaysay oo kale.
Marka hore sida caadiga ah tag ( Add To Archive ) Inta midigta ku dhufatid.
Ogowna waxaynu joognaa (General)



Hadda waxaynu tagaynaa (Advanced)










(faallo)
1 = Sheeg meesha lagu burburinayo faylka yaraysan siduu u yahayna waad ka beddeli kartaa oo gal kale waad u dooran kartaa balse,sidan wuxuu kuu dhigayaa Winrar.

2 = Haddaad doorato "Ku hal abuuridda galka barnaamijka" Si otomaatik ah buu uga raadinayaa "Program files" Wuuna ku dejin markaba. Haddii aad gal (Folder) bannaan la doonato waxaa laga yaabaa inuu kuugu bur-buriyo oo uusan u dejin si otomaatik ah oo uu faylasha markaa geeyo galkaad u codsatay. Haddii aad doorato "Winrar" Winraar wuxuu ku jiraa Program files meesha barnaamij walbaa ku dego.

 
3 = Haddaynu dooranno oo aynu hagaajinno waddada lagu bur-burinayo waa la'ilaalin meesha cusub waana laga soo ceshan mar walba oo loo baahdo oo aad shiddo. Mar kale waad u soo noqon kartaa waana ka beddeli kartaa dhabbadaas.
4 = Fayl baad gelin kartaa shidmaya mark bur-burintu dhammaato ama kahorba. Halkan ku qor faylka magiciisa.




Tallaabadan sare ma'aha mid sidaa u sii weyn balse sharraxaa nala galay.







ikhtiyaarkan ma'aha mid aad loo rabo.

 
Waxaan idiin rajaynayaa faa'iido wacan..
Salaamu Calaykum

Bahalow 02-09-2011 11:33 AM

Jawaabta: Sharraxa barnaamijka faylasha yareeya (Winrar)
 
Mahadsanid horayna u soco

cabdifataxcade 02-09-2011 11:35 AM

Jawaabta: Sharraxa barnaamijka faylasha yareeya (Winrar)
 
Salaamu Calaykum Mahadsanid horayna u soco

durdurkow 02-09-2011 11:36 AM

Jawaabta: Sharraxa barnaamijka faylasha yareeya (Winrar)
 
Ilaahow adaa mahadda leh balse mahadsanid

duulduul 02-09-2011 11:38 AM

Jawaabta: Sharraxa barnaamijka faylasha yareeya (Winrar)
 
mahadsanid

ruunyarey 02-09-2011 11:41 AM

Jawaabta: Sharraxa barnaamijka faylasha yareeya (Winrar)
 
aad iyo aad baad ugu mahadsantahay

akhriye 02-09-2011 11:42 AM

Jawaabta: Sharraxa barnaamijka faylasha yareeya (Winrar)
 
mahadsanid

Amiin 02-09-2011 11:43 AM

Jawaabta: Sharraxa barnaamijka faylasha yareeya (Winrar)
 
sharax wanaagsan ku mahadsanid

libaaxyar 02-09-2011 11:45 AM

Jawaabta: Sharraxa barnaamijka faylasha yareeya (Winrar)
 
waan kaaga mahad celinayaa sharaxan wanaagsan

waasuge 02-09-2011 11:46 AM

Jawaabta: Sharraxa barnaamijka faylasha yareeya (Winrar)
 
Mahadsanid horayna u soco


Saacaddu hadda waa 04:33 PM.

Powered by vBulletin® Copyright ©2000 - 2018, Jelsoft Enterprises Ltd. Waxaa tarjumay Faysal.Saacid.Shire
Qoraalka qofka soo bandhigay ayaa ka mas'uul ah, ee goluhu shaqo kuma leh. Xuquuqda waxaa iska leh Hoyga Aqoonta Barnaamijcom