Kalkaaliyaha gaareed ee tiraysan

Arag soo saarista oo dhan : Salaadda 4-ta ataxiyaat leh


Afrikaan
31-12-2011, 07:18 PM
Salaamu Calaykum

Horta nebigeenna Maxammad ah ku salli. (Calayhi Salaatu Wasalaam)

Muddo ma soo bandhigin xujo balse, maanta waxaan idiin hayaa mid madaxa idin ka waasha oo maalmo ku mashquulsanaataan. Xujadani ma'aha mid aan u baahnayn xisaab ee waa inaad xisaabisaa oo jawaab ka soo saartaa.

Waxaad sheegtaa akhriste

(Salaadda shanta salaadood ka mid ah ee mar mar yeelata 4-ta Ataxiyaat).


Waxaan sugaa waa jawaab.Mahadsanid akhriste.


Faah-faahin: Waad ku darsan kartaa jawaab xataa haddaadan golaha qornayn ee riix

(Jawaab ku dar )

korka xujadan.

Halyeyga Afrika
31-12-2011, 08:19 PM
Maashaa'allaah anigu ka jawaabi mayo ee dhallintaan fursad siinayaa. Waa su'aal macquul dhaaftay.Mahadsanid.

akhriye
01-01-2012, 01:42 AM
ciqaabta halahaas dhan maxay tahay halyeyga afrika maa naga furtid ilaa caawa waan tiriyey salaadaha dad badanna waan weydiiyey ma la garane soo fura mahadsanid afrikaan.

Ma qorna
01-01-2012, 09:02 AM
waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka (a s c ) salaan kadib hadii aan usoo laabto su aasha aan jawaabteeda usocday waa salaada maqrib waxayna yeelataa afarta ataxiyaad hadii ay dhacdo in aad lasoo kulanto jameeco kaa horaysay oo ataciyaad ka u fadhida adna aad ku xidhatid hadii faah faahin siyaado ah layga baahdo waan ku soo laabanayaa mahad sanidin

Ma qorna
01-01-2012, 09:25 AM
waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka (A S C) salaa kadib hadii aan usoo noqdo su aasha aan jawaab teeda usocda salaada afarta ataxiyaadlihi waa salaada ( MAQRIB) waxayna dhacdaa markaa aad lasoo kulanto jameecaad kaa horeeyay oo ataxiyaad sanaya oo aad ku xidhatid salaada hadii layga baaho faah faahin intaas kabadan waan kusoo laabanayaa insha alaah ALAA MAHAD LE

Afrikaan
01-01-2012, 12:24 PM
waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka (A S C) salaa kadib hadii aan usoo noqdo su aasha aan jawaab teeda usocda salaada afarta ataxiyaadlihi waa salaada ( MAQRIB) waxayna dhacdaa markaa aad lasoo kulanto jameecaad kaa horeeyay oo ataxiyaad sanaya oo aad ku xidhatid salaada hadii layga baaho faah faahin intaas kabadan waan kusoo laabanayaa insha alaah ALAA MAHAD LE




waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka (a s c ) salaan kadib hadii aan usoo laabto su aasha aan jawaabteeda usocday waa salaada maqrib waxayna yeelataa afarta ataxiyaad hadii ay dhacdo in aad lasoo kulanto jameeco kaa horaysay oo ataciyaad ka u fadhida adna aad ku xidhatid hadii faah faahin siyaado ah layga baahdo waan ku soo laabanayaa mahad sanidin


Labadaas qoraa waa dadaaleen ee waxaan jeclaan lahaa inay faah-faahiyaan oo u yeelaan 4 ataxiyaad. Mahadsanidin dhallinyaro.

faysal22
01-01-2012, 03:32 PM
Sida kor lagu sheegay xalay oo dhan waxaan tirinayay sida aan ula tukanayo oo afar ataxiyaad uga dhigi lahaa salaadda maqrib waan ku wareeray kkkk oo weligay ima qabsan taaas oo kale mahadsanid jawaabtaan sugi haddaba iyo qiimayn aan qiimaynayo.

Yaasiin
01-01-2012, 05:46 PM
Saaxiibbayaal wax sheega caqliga galaaya waa waashay saan u fakaraayey yeelan weydey salaada maqrib iyo kuwa kaleba ee noo sheega mise dadkalaan sugnaa.kkkkk.thnks bro

kibirley
03-01-2012, 09:57 AM
Waxaan idin weydiiyey salaaddaas 4ta ataxiyaad leh guriga ma lagu tukadaa? waa iga yaabiseene!!!!!! kkkk Abwaanadii aawaye iyaga a ii furi lahaye mahadsanid afrikaan waanansugayaa jawaabta halyeyga ma nagu adoonsanee iska fur i waashaye.khayr baan idiin dhaafay

waasuge
03-01-2012, 10:18 AM
waa salaadda maqrib waxaanan ka arkay faceboogga dadka oo linkigii barnaamij.com ku qoray laakiin sharraxaan fahmi waayay ee u badi waanan sugayaa jawaabta

ruunyarey
03-01-2012, 03:53 PM
Waxaan idin weydiiyey salaaddaas 4ta ataxiyaad leh guriga ma lagu tukadaa? waa iga yaabiseene!!!!!! kkkk Abwaanadii aawaye iyaga a ii furi lahaye mahadsanid afrikaan waanansugayaa jawaabta halyeyga ma nagu adoonsanee iska fur i waashaye.khayr baan idiin dhaafay


Saaxiibbayaal wax sheega caqliga galaaya waa waashay saan u fakaraayey yeelan weydey salaada maqrib iyo kuwa kaleba ee noo sheega mise dadkalaan sugnaa.kkkkk.thnks bro


kkk Kibirley waxay sheegtay hadal la yaab leh. Yaasiinna waa la yaabbanyahay laakiin haddaan isku dayo salaaddaasi mid jirta maaha oo maba yeelato 4 ataxiyaad waana marka guriga lagu tukanayo oo saddex baan aqaan sida Kibirleykkk mahadsanidin mar kaleeto.

Guuleed
07-01-2012, 01:53 PM
Ha la'iga raali ahaado ayaamahan xujadan waan ka maqnaaye kkk

runtii waan idiin xiisay hadaan isku dayo su'aashan oo aan soo qashay dadna soo weydiiyey golahan wax aqoona u lahayn kkkkk been masheegaayiye xujadu waa sidan oo waa salaada maqribta.. markaad ku soo gaarto iyagoo u fadhiya rakcadda labaad ataxiyaadkeeda waad la fariisatay. waa hal ataxiyaad. rakcadoda sadexaad markeey dhameeyaan adiga waa kuu labo ataxiyaad iyo rakcadii 1aad.salaaddii waa lagaaga baxaayaa oo adaa wadaaya oo rakcada 2aad ataxiyaadkeeda haddana galeesaa waana kuu 3 aataxiyaad. rakcada 3aad waa kuu afar adiga oo waxaa ku khatimeesaa ataxiyaadkii 4aad. sow xariif maahi.

haadaa wasalaam

Afrikaan
07-01-2012, 02:10 PM
Qashkii waad ku baastay Sxb. horay u socod wanaagsan tu kalena inoo soo qash.kkkkk

guulayste
07-01-2012, 10:49 PM
waa cajiib runtii xisaab dheer baa la galay ku mahadsanidin inta keentay su'aasha iyo inta ka jawaabtayba

xusuuste1aad
07-01-2012, 10:52 PM
nin salaadi ka tagtaa xujadan keenay kkkkkk mahadsanidin dhallinta hoyga aqoontow waxbaa noo kordhay..

faysal22
07-01-2012, 10:54 PM
Ragannimo waa nala ka furay maashaa alaah.mahadsanid saxiibka furay.

Ma qorna
13-01-2012, 04:29 AM
ugu horayn waxaan markale idinku salaamayaa salaanta islaamka (a s c) salaan kadib waxaan usoonoqonayaa su aasha aan jawaabteeda usocday jawaabtuna waa salaada maqrib waxayna dhacdaa hadii aad lasoo kulanto jamceeco kaa hoaraysay oo salaada kujirta una fadhida ataxiyaadka isla mar ahaantaas adiguna aad ku xidhatid waxaadna xusuus naataa mar hadii ruguucda uu kasoo kaco qofka aad ku xidhananaysid ama uu sujoodo amase uu u fadhiyo ataxiyaad in ayna rag cadaasi kuujirin waxaana lagaaga bilaabayaa rag cada labaad salaada maqribna waxay ku yeelanaysaa afarta ata xiyaad sifahaas dabcan hadii ay jiraan dad aan wali fahmina waan kusoo laaban doonaa insha alaahu aad baadna u mahad santihiin midkalana aan idin asuusiyee waxaan ahay ninkii marka hore kajawaabay waxaana usoonoqday markaan arkay dad badan oon fahmin magacayguna waa sahal c abdulaahi buule ................ ALLAA...... MAHAD ..... LEH

Afrikaan
13-01-2012, 04:37 AM
Mudane Buule waad ku mahadsantahay waxaanan ku han weynahay inaad dhawaan nagu soo biiro oo ka mid noqoto qoyska Hoyga Aqoonta.Mar kalena waannu kaaga mahadcelinaynaa sidaad ugu soo jeeddo.Mahadsanid mar kale kuna soo dhowow Hoyga aqoonta waa hoygaagii.

Abdullahi Wadani
20-02-2012, 08:29 AM
salaan kadib hadii aan kajawabo suasha jawaabtu waa salaada maghrib taasna waa markii aad kusoo gaarto jameecada attaxyaatka dambe

Ma qorna
21-07-2012, 05:48 PM
asc walalalayaal hadaan isku dayo jawaabta suaashaan salaada salaadaha shanta ka mida ah ee marmarka afarta Itixiyaadka yeelaneysa waa salaada maqrib waana marki aad ku soo gaarto salaadiiyo jameeco tuganeyso oo ey u fadhiyaan atixiyaadka rakcada labaad waad istaageysaan waxaadna la tuganeysaa ragcadii sadexaad waxaadna u fadhiisaneysaan atixyaadka ragcada sadexaad markey saa tahay jameecadi aad salaada la xiratay salaada ka baxaan ooy salaama naqsadaan la soco adiga waxaa kuu haray labo rakcah iyo labo atixiyaad saxid itixiyaadki hore aad ku soo gaartay rakcah ma xisaabsana ee jameecada ayaad salaada kula xiratay jawaabta saxdaa waa sidaas waadna mahadsantihiin.

Nuradin Buryar Farah
31-10-2012, 02:18 PM
assalaamu calayku marka hore
marka labaad anigoo ah Abwaan Nuradin Buryar Farah gabay
hadaan ka jawaabo salaada afarta attaxiyaad yeelata mar marka qaar waa salaada
makhribka ee aad kusoo beeganto attaxiyaadka 1aad oo loo fadhiyo 1 waa kan 1aad
labo hada waxaad la fariisatay attaxiyaadkii imaamka oo ugu dambeeye markaas adiga waxa aad tukatay weli waa hal rakcad oo labo attaxiyaad leh kadibna waad kacday oo waxaad tukatay rakcadii 2aad waana attaxiyaadkii 3aad kadibna waxaad u kacday rakcadii udambaysay waxaadna uga baxday ataxiyaadkii afaraad

wixii aan khalday shaydaan bay katimi
wixii aan saxayna allaah baa ku mahad san
wabillaahi tawfiiq

xareed
10-11-2012, 08:56 AM
hadaan is ku dayo jawaabta salaada 4 -ta atixiyaat leh waxay noqonaysaa salaada
Maqrib .
hadaan faahfaahiyo waxaa weeye :waxaad ku timaada oo aad ku soo gaartay salaada ataxiyaad kii koowaad oo lafadhiya 1aad, hadana waxaad la tukatay ataxiyaad kii udanbeeyay jamaacadaa ,kadib na waxaad tukatay labo ragco oo danbe oo labada la itixaadayo.